Somaliland: Xukuumadda Oo Tagsiileyaasha Madaarka Ku Booriyay adkaynta Nabad-gelyadda

0
920

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Cumar Sh. Maxamed Faarax, ayaa ku booriyay ururka Tagsiileyaasha madaarka Hargeysa inay xil weyn iyo masuuliyad iska saaraan adkaynta nabad-gelyadda isla markaana ay wixii nabad-gelyadda dalka dhaawacaya kala shaqeeyaan dawladda.

Wasiirku waxa uu shalay sidaasi ka sheegay xaflad ay barxadda Madaarka Cigaal International Airport ku qabsadeen Ururka Ayaan Airport Taxi oo soo bandhigay dirays u sameeyeen tagsiileyaasha ka shaqeeya Madaarka iyo astaan ay ku xidheen baabuurtooda.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sh. Maxamed Faarax oo Munaasibadan ka qeyb galay ayaa aad u soo dhaweeyay qorshahan, isaga oo ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay in aad shuruuc samaysateen nidaam samaysateen, Madaarrada Caalamka oo dhammi shuruucdaas ayey leeyihiin, marka wax la samaynayo in Maamul loo sameeyo oo Nidaam loo samyeeyo, Sharci loo abuuro, oo Sharcigaa loo hogaamsamo oo la isku Ixtiraamaa way hanboon tahay.”

Wasiir Cumar Yare waxa uu Dareewaliinta Tagaasidaas iyo Masuuliyiinta Ururkaas ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Xaga Amniga Madaarka maadaama ay Dadka soo degaya iyo kuwa dhoofayaba u adeegayaan gaadiidkooda, waxaanu yidhi “Halkan imika Madaarka waxa weeye, marka ay xaga Nabadgalyada timaado aad iyo aad ayey xasaasi u tahay oo Nin kugu maqan 24 saac oo aan hawl kale haynin, oo kula midab ah, oo kula Af ah, oo kula Diin ah ayeynu iska ilaalinaynaa. waxa kali ah ee aan idinku boorinayaa waxa weeye waad naga indho badan tihiin Idinku magaalo ayaad ku jirtaan, waad naga aragti badan tihiin bulsho badan oo aanan la xidhiidhin ayaad la xidhiidhaan ee waa inaad xil isa saartaan.”
Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay tabaha ay isticmaalaan kooxaha xagjirka ahi, waxaanu yidhi “Waxaan jeclahay in aad noqotaan indhihii Wasaarada, waxyaabo badan ayey isticimaalaan nimankani lacag ayey isticimaalaan oo ay damcaan had iyo jeer qofka baahidiisa in ay ka faa’iidaystaan, waxa aan meesha u joognaa waa Dadkeennii iyo Dalkeennii, hal Milyan oo doolar oo lagu siiyaa meel ku gaadhsiin mayso, markaad intaas oo qof iyo dalkaagii aad Ilaalin waydo.”
Wasiirku waxa uu ku booriyey Tagsiilayaashas in ay ku dhaqmaan sharciga dhexdooda kala hagaya ee ay isla qaateen, waxaanu yidhi “Waxaan idinku boorinayaa waxa weeye nidaamkan aad samaysateen, shuruucdaas aad samaysateen inaad ilaalisaan oo ku dhaqantaan,waxaanan jeclahay in aad ku dhaqantaan, waa wixii aan uga go’nay Xamar in aan shuruuc, nidaam, dastuur iyo dawlad samaysano, ayay ahayd.”
Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport Maxamed Yusuf Ismaaciil ayaa soo dhaweeyay qorshahan cusub ee ay ku tallaabsadeen Tagsiilayaashu. “Maanta(shalay) Munaasibadan waxaan Jeclahay in aynu ku daah-furno laba qoddob oo aan hore Madaarka uga jiri jirin, qoddobka 1-aad waa Tagaasidan u adeega dadka Madaarka ka soo degaya, iyo kuwa ka dhoofaya, hawshan waxaa kow ka ah Nidaamkii sharcigii idinka idin kala hagayey, qoddobka 2-aad waxa weeye Tagsiilayaasha ka hawl gala Madaarka wax dirays ah may lahaan jirin, waa ILAAHAY Mahadii iyada oo aan Wasaarad iyo Madaarna idinku caawin in aad samaysataan Dirays iyo nidaan Maanta, si aad ula jaan-qaadaan Madaarka intiisa kale,”ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Hargeysa.

Ayaanle Maxamed Xasan oo ah Guddoomiyaha Ururka Ayaan Airport Tax ayaa isagu iftiimiyey qorshaha cusub ee ay soo bandhigeen, iyo sababaha ku kalifay. “Waxaan ka war bixinayaa xaaladaha kala duwan ee ay soo mareen Tagaasida Madaarka Cigaal International Airport oo iminka aanu u samaynay horumar balaadhan oo la taaban karo, maadaama uu Madaarkii isu bedalay heer caalami ah in aanu annaguna ku dayanno oo aanu noqonno heer caalami, waxaanu u samaynay Tagaasida Madaarka ka Hawl gala in ay yeeshaan calaamad u gaar ah(Logo) ,waxaanu u samaynay wadeyaasha Tagaasida dirays laga sooci karo Dadka kale, waxa kale oo aanu samaysnay xeer hoosaad sharci na kala haga, waxaanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Maamulka Madaarka oo had iyo jeer na garab taagan,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Ugu Dambayntii waxa ay halkaas ku gudoonsiiyen Maamulaha Madaarka iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Madaarka Shahaado sharafyo, iyaga oo tilmaamay in ay garab ka Heleen si ay nidaamkan u samaystaan, waxaana gudoonsiiyey labadan Masuul shahaadooyinkaas Wasiirka Duulista.