Somaliland: Wasaaradda Ciyaaraha Oo Waxqabad La’aantii Ay Ku Caanka Ahayd Ku Darsatay Hagardaamadii Ugu Xumayd Oo Ay Qaranka Somaliland U Gaysato

0
706

Waxa Ay Xagal Daacinaysaa Fursaddii Ugu Wacnayd Ee Somaliland Ka Hesho Caalamka Oo Ah Tartanka Kubadda Cagta Adduunka Ee Dalalka Aan La Aqoonsan Oo Dhallinyaro Is Xilqaamay Ku Guulaysteen In Ay Somaliland U Soo Jiidaan

Nuxurka Waraaqo Ay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagtu U Direen Qaban Qaabiyayaasha Tartankaasi Oo Ay Ku Sheegayaan In Ciyaartoyga Somaliland Ee Tartankaa Ka Qayb Gashaa Yihiin Qawlaysato

Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa xagal daacinaysa tartan kubadeed caalami ah oo fursad weyn u ahaa qaranka Somaliland kadib markii Agaasimaha Guud ee Wasaaraddan Mudane Dhabeeye iyo Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagtu waraaqo u direen Xidhiidhka kubadda cagta ee CONIFA oo ahaa kii isagu qaban qaabinayay tartanka caalamiga ah ee qaramada aan la aqoonsan kaasi oo la filayo in uu ka furmo waddanka Abkhazia 28-ka Bishan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Mudane Cabdillaahi Khayre Cawaale (Gacal) ayaa qoraallo ay u direen xidhiidhka CONIFA waxay ugu sheegeen in aanay Somaliland ogolayn inay ka qayb-gasho tartanka Koobka Adduunka ee dalalka aan la aqoonsanin oo ka dhacaya Abkhazia 28-ka bishan, taasi oo lama filaan ku noqotay shacabkii reer Somaliland ee gudo iyo dibadba sida weyn ugu faraxsanaa ka qayb galka tartankaasi caalamiga ah ee calanka Somaliland ka babban lahaa. Tartankan oo ay ka qayb-gelayso Koox ka socota Somaliland oo ku matali doonta kooxda Qaranka Somaliland ayaa waxay masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaruhu u direen laba qoraal oo ay kala qoreen Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Xuseen iyo Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Cabdillaahi Khayre Cawaale (Gacal), waxaanay isaga daba mareen in dhallinyarada reer Somaliland ee tartankaas ka qayb-gelaysaa ay yihiin qawlaysato halis ah oo hoos u dhigaya hay’adaha kubadda cagta ee Somaliland. Ilo-wareedyo u dhuun daloola xaaladdan fadeexadda ah ee ay ku kaceen Masuuliyiintani ayaa waxa ay tibaaxayaan in ay tartankaasi dhan ee qiimaha weyn ugu fadhiyey qarankan ay u diiddan yihiin kaliya xin ay ximinayaan muwaadiniin reer Somaliland ah oo iyagu fursaddaasi ka soo shaqeeyey oo suurta geliyey in Somaliland ka qayb gasho tartankaasi kuwaasi oo afar ciyaartoy oo ka tirsanaa kooxaha waaweyn ee Somaliland dalka ka qaaday inta kalena ka kaxaynaya qaaradda Yurub iyada oo dhawaan uun ay ahayd markii qaar ka mid ah ciyaartoygaasi fursadda helay ay warbaahinta uga warrameen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay qarankooda difaaci doonaan iyaga oo wakhtigan ku sugan caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa oo ay hawsha ka qayb galka tartankaasi u joogeen.

Agaasime Dhabbeeye iyo Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ayaa la sheegay in ay la socdeen marka horeba tartankan iyo muwaadiniinta fursaddaasi ka soo shaqaynayay muddoda badan balse waraaqahaasi carqaladda ah ka daba diray iyaga oo halkii ay muwaadiniintaa is xilqaamay iyo ciyaartoygaasi kala shaqayn lahaayeen oo ay ka taban taabin lahaayeen ay hagar daamadaasi kala daba tageen iyaga oo la sheegay in ay ku andacoonayaan in aanu qabanqaabada hawshan door ku lahayn wakiilka wasaaradda ee dibadda Jaamac Olol. Inkasta oo ay ahayd marka horeba in ay hawlahan iyagu qabtaan haddana fadhiidnimada iyo waxtar la’aanta wasaaraddan ayaa ku darsanaysa in ay bakhtiiyaan ilayska yar ee hadba meel uga soo ifaya horumarka ciyaaraha Somaliland, taasoo haddii ay tartankaasi sidaa ku fashiliyaan in ay Somaliland kaga qayb gasho ay noqon doonto taariikhda madaw oo aan ka hadhi doonin kooxda maamulka joogta wasaaraddan oo inta badan dhallinyaradu qaranku ku dhaliilaan kuwo ku fashilan hawsha ay qaranka ugu magacaaban yihiin.

Tartanka qaramada aan la aqoonsan (Unrecognized Counries Cup) oo ay Somaliland ka qayb gashaa waxa ay fursad weyn u tahay in codka Somaliland dibadda laga maqlo iyada oo ciyaaruhu yihiin arrimaha sida weyn uga qayb qaata is dhex galka bulshada iyo caannimada taasoo meel dheer oo aanay xataa siyaasiyiinteenu gaadhin uu magaca qaranku ku gaadhi lahaa tartankaasi.
Tartankani waxa uu Bishan 28-keeda ka furmayaa garoonka weyn ee stadium “Dinamo” ee ku yaalla caasimadda Abkhazia ee Sukhum, iyada oo calamada dalalkani ka babban doonaan garoonkaasi iyo guud ahaan magaalooyinka dalka marti galinaya, waxaanay dalalka ka qayb galayaa kala yihiin iyada oo Somaliland ay ku jirto Guruubka Afraad ama Group D:
Abkhazia
Chagos Islands
Kurdistan
Northern Cyprus
Padania
Panjab
Raetia
Sapmi
Somaliland
Székely Land
United Koreans in Japan
Western Armenia

Shabakadda Caddalool ee Ciyaaraha sida weyn uga baahisa oo aanu ka soo xiganay tartankaasi qiimaha badan ayaa maalmihii ugu dambeeyey isha ku haysay tartankaasi iyo ciyaartoyga Somaliland uga qayb galaya. Shabakaddaasi ayaa baahisa ciyaaraha caalamiga ah iyo kuwa dalkeena Somalilandba.

Foore