Somaliland: SOLJA Oo Cambaareyn Dusha Uga Tuurtay Maayarka Iyo Booliska Berbera Oo Xidhay Wariyayaal

0
1004

Wariyeyaal Tabiyey Xildhibaano Su’aal Ka Keenay Heshiiska DPW Oo Xabsiga La Dhigay

Ururka Suxufiyiinta Somalilan SOLJA waxa uu canbaaraynayaa talaabada ay ciidamadda Booliiska iyo Maayarka magaaladda Berbera C/shakuur Maxamuud Xasan Cidin aymaanta kula kaceen wariyayaasha Gobolka Saaxil oo ay kula kaceen xadhig, Garaacis iyo baacsi, kuwaas oo aan wax danbi ah galin, marka laga yimaado warar ay ka baahiyeen xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka oo la kala yidhaa Saleebaan Cali Khayre iyo Jaamac Warsame Haakidaa, kuwaas oo uu Maayarku la kulansiiyey weftigii ka socday shirkadda DP World ee ay xukuumaddu Heshiiska kula gashay Dekedda Berbera.

Berbera waxay xidheen wariyayaasha kala ah Mukhtaar C/raxmaan Maxamuud oo ka tirsan Hogaanka sare ee SOLJA, kana hawl-gala Telefishanka qaranka, Axmed Siciid Maxamed oo ka tirsan Kalsan Tv, C/raxmaan Cige oo ka shaqeeya Somalinews, Muuse Jaamac Galay oo ah Somali-cable iyo Sidiiq Carab Saleebaan oo isna ah wariyayaasha Telefishanka SBC. Halka ay Booliiska baadi-goobayaan wariyayaal kale.

Wariyayaashan ayaa lagu xidhay goob loogu talogalay dadka Dilka loo haysto, iyadoo ah qol Seelo ah oo ay adagtahay inay ku sii xidhnaadaan wariyayaashaas sida sharci darro-da loo xidhay, maadaama danbi ay galeen oo ay xukuumaddu ku haysataa aanay jirin, isla markaana Suuqa badhtankiisa laga qabtay, iyadoo sida ay sheegeen Jidh-dil loo gaystay.

SOLJA waxay ka xun tahay in Maayarku Tahdiid, hanjabaad iyo Cagojuglayn isugu daro wariyayaashii ka qayb galay kulankii uu soo abaabulay ee ay ka hadleen labada xildhibaan ee uu warkooda ku hayso suxufiyiintii tabisay, isagoo intaanay baahinba ku amray inaanay qaadan warkooda ee ay qaataan xildhibaanadii sida Duuduubka ah u taageersanayd Heshiika Dekedda Berbera, taasoo dhalisay in uu ficil ahaan ugu kaco balanqaadkiisii uu shalay ku weeraray ee ahayd in uu talaabo ka qaadi doono wariyaha amarkiisa qaadan waaya.

Ururka SOLJA iyo Suxufiyiinta Somaliland-ba waxay ku shaqeeyaan xushmadda iyo Karaamadda ay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu-ba u damaanad qaadeen inay kaga hawl-gali karaan Dalka Somaliland si madax banaan, isla markaana ay dadweynaha u tabin karaan Wararka khuseeya iyagoo tixgalinaya xuquuqda ay u leeyhiin inay ku ogaadaan arrimaha Masiirkooda, Dhaqaalahooda, Amnigooda iyo Noloshoodaba taabanaya.

Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu-ba waxay ku waajibinayaan masuuliyiinta Qaranka inay si furan oo aan sir iyo qarsoodi ahayn bulshada iyo hay’adaha kale ee Qarankaba ugu bandhigaan Heshiisyada iyo hawlaha kale ee ay fulinayaan, gaar ahaana waxay ku waajibayaan inay Suxufiyiinta u gudbiyaan qoraalada iyo xogaha rasmiga ah.

Ururka SOLJA waxa uu waayo arag u yahay Xukuumadda Somaliland inay hor taagan tahay xuquuqaadkaas aasaasiga ah ee ay Suxufiyiinta iyo Bulshadu-ba xaqa ugu leedahay Xukuumadda, isla mar ahaan taana inay caqabado farabadani kaga yimaadeen Xukuumadda hirgalinta mashaariic farabadan oo ay ka mid ahaayeen samaynta Wershada Sibidhka Berbera, Sahaminta Shiidaalka goboladda Barri, soo saarista Macdanta Siimoodi, dhismaha Seerayaasha Bananka Qool-caday iyo Arroori iyo kuwo kale oo badan kuwaasoo qaranka iyo bulshadaba u lahaa muhiimado kala duwan oo mid-ba Heer gaadhsiisnaa isla markaana sahli lahaa haddii ay si fiican u hirgalaan Maal-galin kasta oo dalkani u baahan yahay.

Sidoo kale, Ururka SOLJA waxa uu u arkaa inay Xukuumaddu mar walba garab marayso inay Wacyigalin u samayso bulshada ka hor inta aanay hindisin ama fulin qorshayaasha ay damacsantahay inay dalka ka qabato si ay bulshada faa’iido ugu yeeshaan, taas bedelkeeda ay kaga mashquusho inay si weydaysan u abaabusho dad iyo adeegyo aan waxba ka tarayn inay bulshadu dhagaysato ama ku qanacdo mashariicda ay fulinayso.

Ururka SOLJA isagoo soo dhaweynaya inay xukuumaddu fuliso ama hal-abuurto qorshe kasta oo ka dhabaynaya ama meesha ka saaraya duruufaha kala duwan ee bulshada Reer Somaliland haysta, gaar ahaan dhaqaalaha iyo shaqo la’aanta, hadana waxa uu arkayaa talaabooyinka ay xukuumaddu u maraysaa inay yihiin ama noqonayaan kuwo la kulma caqabado la daweyn karo intaan loo marin dariiq kale oo soo Oodmaya.

Ugu danbayn Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda iyo hay’addaha Amniga ugu baaqayaa inay xorriyadoodii usoo celiyaan wariyayaasha xidhan, isla markaana meel la saaro falka lagula kacay oo ah mid sharci daro ah.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA.
Hargeysa Somaliland