Somaliland: “Heshiiskan Waxa Ku Jira In Suuqa Shaqada Imaaraadka Loo Furo Dhalinyaradeenna” Dr. Sacad Cali Shire

0
796

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in heshiiska ay wada galeen xukuumadda Somaliland shirkadda imaaraadka ee DP world ee maalgashiga ku samaynaysa dekeda Berbera waxyaabaha ugu muhiimsan ee ku jiray ay ka mid tahay in dhalinyaradda reer Somaliland loo furo suuqa shaqada ee dalka imaaraadka carabta.

Dr. Sacad, ayaa ku tilmaamay heshiiska ay la galeen DP world in uu yahay mid faa’iido weyn u leh wadanka, isla markaanna ay shaqooyin badani u soo baxayaan bulshadda reer Somaliland, gaar ahaanna dhalinyaradda oo uu sheegay in ay yihiin qaybta ugu badan ee wakhtigan camal la’aantu hayso.

Wasiirka arrimaha dibadda oo shalay ay kulan la yeesheen gudi hoosaadka arrimaha dibada ee golaha Wakiilada, oo kulankaasi kadib warbaahinta la hadlay ayaa intaasi ku daray in bulshadda iyo xukuumadaba looga baahan yahay in gacmo furan lagu soo dhaweeyo heshiiskaasi.

Dr. Sacad Cali Shire oo faahfaahin ka bixinayay kulankaasi ay la yeesheen guddida arrimaha dibadda ee golaha Wakiiladda iyo arrimihii ay wax ka waydiiyeen, waxa uu yidhi “Waxaan gudidda uga waramay waxyaabihii noo qabsoomay iyo halka ay marayso siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland. Waxyaabihii ay wax iga waydiiyeena waan uga jawaabay. Waxaananu ka wadahadalnay oo aan usoo bandhigay arrinka la xidhiidha maalgashiga dekeda Berbara, oo ah mashruuc aad u qiimo badan oo ay tahay in gacmo furan lagu soo dhaweeyo. Waxaanaan rejaynayaa in mashaariic badani ka dhalan doonaan oo shaqo badani ka dhalan doonto, dhalinyaradeenuna waa camal laa’yihiin, shaqo ayay u baahanyihiin, shaqaduna waxay ka abuurantaa maalgashiga”.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxaana ka mid ah heshiiska aanu wada gaadhnay imaaraadka in suuqa shaqada ee imaaraadka loo furo dhalinyaradeena. Markaa waxaan doonayaa in aan cadeeyo in mashruucaasi yahay mashruuc qiimo badan, ma aha in wixii aan gacanta ku haysanay oo aan cid kale u dhiiibayno, oo jeeb kooda ku dhacayo, balse wixii jeeb keena soo geli jiray.

Dekedda waala balaadhinayaa waxaana isticmaali doona maraakiib faro badan Koontiinar soo qaadi doonta, waxaanan rejaynaynaa in dekedda Berbera ay isticmaali doonaan wadanka Itoobiya iyo wadamada kale ee aan bada lahan ee afrika. waxa kale oo aan rejaynaynaa in marka uu dhamaado balaadhinta dekedda in ay ku soo dhiiran doonaan shirkado kale oo wadanka maalgashan doona.

Waxaanan rejaynayaa in shaqo badan uu inoo abuuri doono, jidka Berbera ilaa Wajaale in kastoo aanu ka mid ahayn mashaariicdii la kala saxeexday, hadana waxaa la isla gartay in Dubai ka hawl-gasho cadii inaga caawin lahayd” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda.