Somaliland: “Heshiiska Dekedda Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Taariikhda Ku Galay” Faysal Cali Waraabe

0
798

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa bulshadda Somaliland u soo jeediyey inay soo dhaweeyaan maal-gashiga lagu samaynayo dalka, kana mid tahay casriyeyta dekedda Berbera oo wax badan u tari doona dalka iyo dadka Somaliland.

Gudoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay kula hadlayey taageerayaal cusub oo xisbiga UCID magaalada Burco kaga soo biiray, ayaa isbarbar-dhig ku sameeyey, heshiiska casriyeynta dekedda Berbera ee xilligan iyo mid hore loola galay shirkada Total oo madaxweynahii hore marxuum Cigaal saxeexay, waxaanu yidhi

“Heshiiskan casriyeynta Dekeda Berbera wuxuu la mid yahay kii haamaha ee Marxuum Madaxweyne Cigaal ku dhiiraday inuu u dhiibo shirkadii Total.”
Guddoomiyaha UCID, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) taariikhda ku geli doono saxeexida heshiiska lagu casriyeynayo dekedda Berbera, waxaanu yidhi,“Maanta, ama jeclow, ama necbow, Madaxweyne Siilaanyo taariikhda ayuu ku gelayaa marka la qorayo,(saxeexida heshiiska dekeda Berbera).”

“Waa inaynu ka waantoobaan bulshadu hebel baa wax cunay, kuna fikiraan mashruucaasi ma yahay mid dalka iyo dadka dan u ah, oo muhiimadiisu tahay,”ayuu ku dooday Guddoomiyuhu.

Hadalka gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ku soo dhoweeyey heshiiska casriyeynta dekedda Berbera, uguna baaqayo bulshada inay qiimeeyaan faa’iidada dalka iyo dadka ugu jirta ayaa imanaya xilli gudoomiyaha xisbiga Waddani Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) oo shalay dalka ku soo laabtay aanu mowqif cad xisbigiisu iska taagin inuu taageersan yahay ama ka soo horjeedo heshiiska casriyeynta dekeda Berbera, isla markaana, hore masuuliyiin xisbiga Waddani ah hadalo iska horimanaya kaga hadleen heshiiskan taariikhiga ah.