Somaliland: Dr. Sacad Ilaa Goorma Ayuu Daafici Karaa Heshiiskii Uu Saxeexay? Mujaahid Cali Guray

0
784

Guddoomiye ku xigeenkii 3aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa ka hadlay sida uu u arko saamiga ay Somaliland ka heshay heshiiska dhawaan ay xukuumaddu la gashay shirkadda Dp World ee dekedda Berbera Khuseeya.

Cali Gurey oo daba socday war habeen hore uu HCTV ku soo bandhigay qoddobada uu kakoobnaa heshiiska ay dawladda Somaliland la gashay Dp, warkaas oo sugnaanshihiisa uu isna xalay xaqiijiyey wasiirka khaarijiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo u warramay HCTV, kaasi oo sheegaya in saamiga Somaliland kaga soo hagaagaya heshiiskaasi uu noqonayo 35%, halka 65% kale ay shirkadda Dp yeellanayso.

Haddaba Muj. Cali Gurey oo saqdii dhexe ee xalay qoraal dheer oo uu kaga hadlayo arrintan ku daabacay bogga uu ku leeyahay degelka xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga, waxaa uu ku ammaanay wasiirka khaarijiga oo uu sheegay in uu aamin san yahay cali ahaa in Sacad cali Shire daacad ka yahay heshiiskan isla markaana uu doonayo in uu midho dhalo, hase yeeshee uu sheegay in cid kale oo middida daabkeeda haysaa wax qaldayso. Qoraalka Cali Gurey oo Wargeyska HUBAAL kasoo dheegtay bogga uu ku leeyahay Mujaahidku barkulanka Faceboo0k-ga waxaa uu u dhignaa sidan: “Dr Sacad Cali Shire marka hore anigu shakhsi daacad ah baan u arkaa waayo marka hore nin sooreed maaha abu hunguri ah sida ay u badan yihiin masuuliyiinta sarsare ee dawladdu. Mar labaadka waa nin aqoon leh qabyaaladna ka nadiif ah. Markaa mar haduu daacad yahay, aqoon fiicana leeyahay, nin sooreedna ahayn, qabyaaladna ka bed qabo wuu mudan yahay oo aniga wuu iga mudan yahay in aan ixtiraamo.

Mashruucan uu isagu dhinaca Somaliland u saxeexay laga bilaabo markii ugu horeysay ee warbaahintu sheegtay kamaan dayrin manaan diidin ee waxan u arkay oon sheegay in uu yahay heshiis dhinaca horumarinta iskaashiga dhaqaalaha ah oo hadii siduu yahay looga midho dhaliyo waxtar u yeelan kara dhinacyada heshiiska, gaar ahaana Somaliland fursad u noqon kara.

Caawa [xalay] waxan dhegaystay Dr Sacad oo daafacaya heshiiskii uu isagu dhinaca Somaliland u saxeexay ee Dekedda Berbera. Marka hore waan ku ammaanayaa sida sarraaxadda ahayd ee uu uga jawaabayay sua’aalihii laga waydiiyay isaga oy ka muuqatay daacadnimo iyo isku kalsooni buuxdaa.

Taasi waa maka ay tahay heshiiska iyo qodobadiisa lakiin waxan diiday in dhaqangelinta heshiiskan marka loo gudbo uu daadifeeyo in sedbursiimo ugu jirto Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta oo isagu ah shakhsiga ugu awooda badan dhinaca Somaliland arinka heshiiskan, ee sida gaarka ah hadh iyo habeeb ugu hawlanaa iyada oo la taliyihiisa gaarka ahni uu ahaa ganacsade reer jabuuti ah oo isagu dadaal badan geliyay sidii heshiiskan loo gaadhi lahaa dabcan danihiisa gaarka ahna ka lahaa isagoo la og yahay inu dayro ka ahaa dalkiisa intii muddo ahayd oo aanu tegi karin dembiyo lagu eedeynayo awgood, ama ha qabo ama yaanu qabinba eh.

Waa laga yaabaa Dr Sacad inu shakhsi ahaan daacad ka yahay oo loo baahan karo mudada hore ee heshiiskan loo doonayo taageerada dhinaca Somaliland dawlad iyo shicibba. Lakiin marka ay noqoto dhaqangelinta iyo fulinta hawlaha mashruucan Dr Sacad wuxu noqon doonaa shakhsi aan loo baahnayn ku yeelan doonin wax awooda ah iyo talo midna dhaqangelinta heshiiska iyo fulinta mashaariicda hadii ay xilal iyo mansabyo tahay iyo hadii ay qandaraasyo tahayba .

Xataa saxeexa in uu isagu ahaa shakhsigii saxa ahaa iyo in kale waxa saaran sua’aal waayo waxa la is waydiinayaa Maariyaha Dekedda Berbera goobjooge buu ahaaye muxuu isagu u saxeexi waayay ama Wasiirkii Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah maxaa loo waydaariyay mar hadii heshiisku khusaynayay maalgashi caalami ah.

Dr Sacad kalsoonida buuxda ee uu ku qabo in heshiiskani nadiif ka yahay oo aanu meelna kaga lug yeelan karin musuqmaasuq eex iyo qaraabo kiil lama qabo kamanaan siisan anigu kana siisan maayo waayo dee dalka xogogaal baan u ahay dadkana waan aqaan oo weliba Sacad in aan uga war roonahay baa laga yaabaa. Kuma qanacsani wiilka sodoga loo yahay waa daacad wax dan isaga u gaar ah oo ugu jirtaana ma jirto ee sidayda hadaan Sacad ahay a yuun isaguna ka yahay waxan leeyahay taa dameero loo sheeg. Mashruucii Sahanka Shidaalka wedkii dilay ilama aha inu kan iyo ku kale oo muhiim ahi toona ka bedbaadi karo diir iyo ayax ooman.

Runtii waan ku amaanayaa Dr Sacad Cali Shire sida uu u difaacay heshiiskii dhinaca Somaliland uu isagu u saxeexay mana jiro wasiir kale oo si aan kayr kayr lahayn uga badheedhi lahaa. Sababtuna wax kale maaha waa aqoon iyo daacadnimo.