Somaliland: Shirgudoonka Wakiiladda Somaliland oo Kulan La Yeeshay Danjireyaal Ka Socday Ingiriiska

0
693

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Wakiiladda Dr. Cali Yuusuf Axmed,  ayaa maanta   xarunta aqalka golaha Wakiilada Somaliland kulan kula yeeshay Cat Evens ku-xigeenka safiirka UK ee Itoobiya iyo Lovett oo dublamaasiyad ka hawl-gasha isla safaaraddda   Addis-ababa  oo u qaabilsan xidhiidhiyaha Somaliland.

Kulan oo albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey guddoomiye ku xigeenka 2aad ee aqalka golaha Wakiilada Somaliland Dr.Cali Yuusuf, waxaana markii uu soo idlaaday warbaahinta uga warbixiyey u jeedka kulankaasi guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo sheegay in kulankan ay safiirada kaga wada hadleen xidhiidhka dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland, horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay iyo weliba sida oo kale arrimo la xidhiidha doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland.

“Weftigu saaka ayey yimaadeen, waxa ay la kulmayeen xukuumadda, anaguna waanu kulanay haddeer(maanta), waxaana aanu ka wada hadalnay guud ahaan uun arrimaha Somaliland ka socda ee horumarka, diiwaan-gelinta, doorashooyinka iyo xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Ingiriiska.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).