Ethiopia: “Waan ku Qanacsan Nahay In Imaaraadka Carabtu Maal-gashi Ku Sameeyo Somaliland, Intuu Ku Samayn Lahaa Eritrea” Wasiirka Gaadiidka Itoobiya

0
742

Xukuumadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay si weyn u soo dhoweynayaan heshiiska maalgashiga dekedda Berbera ee 9-kii Bishan May dhex maray dawladda Somaliland iyo shirkada DP World ee xarunteedu tahay dalka Imaaraadka Carabta.

Heshiis Shirkada DP World ku maal-gelinayso hanti dhan US 442 Million dollar casriyeynta marsadda Berbera, isla markaana dhowaan la saxeexatay xukuumadda Somaliland ayey masuuliyiin Itoobiya ah shaciyeen siday u jeclaysteen maqalkiisa, halkii ay heli lahayd dalka colaadu u dhexeyso ee Eritrea.

Itoobiya oo inta badan dhammaan badeecadaha ganacsigooda dibadu soo maro dekedda Jabuuti, wakhtigan xaddi kooban oo badeecadaha cuntooyinka u badan kala soo dega dekedda Berbera ayaa la sheegay inay kaalin ka qaateen sidii wadanka Imaaraadka Carabtu u maal-gashan lahaa Berbera oo masaafo gaadhaysa 937 KM u jirta Caasimadooda Addis Ababa.

Saraakiil xukuumadda Itoobiya ka socda oo booqasho ku tegay dalka Imaaraadka Carabta bishii October, sannadkii hore ayaa la sheegay inay u gudbiyeen Amiirka Dubai, cabashadooda la xidhiidha maalgashi shirkada DP World ku doonayso inay maalgashi ku samayso dekedda Asmara, oo masaafo ka yar u jirta Berbera, isla markaana ka codsadeen inay joojiyaan maalgashi kastoo ay ku sameeyaan dalka Eritrea, oo colaad weyn u dhexeyso.

“Waan ku qanacsan nahay in Imaaraadka carabtu maalgashi ku sameeyo Somaliland, intuu ku samayn lahaa Eritrea,” Ayuu sheegay Mr. Werqneh Gebeyehu, Wasiirka Gaadiidka Itoobiya oo u waramay wakaaladda wararka ee madote.com, waxa uu yidhi “Ma jeclin inaan aragno wax maalgelin ah oo lagu sameeyo dalka Eritrea, isla markaana, waanu soo dhoweynaynaa heshiiska DP World la saxeexatay Somaliland.”

Mulugeta Assefa, Madaxweynaha ururka rarista iyo dejinta, ayaa sidoo kale sheegay, “Dhab ahaan, waan u baahan nahay dekedo kale aan ahayn kuwa Eritrea.”

Saddex bilood horteed, xukuumadda Eritrea oo aqbashay dalab wadamadda reer galbeedku kaga codsadeen in dekedeeda ka soo dejiyaan raashin lagu quudiyo labaatan milyan qof oo cunto la’aani ku hayso Itoobiya, ayey gebi ahaanba gaashaaanka ku dhufatay xukuumadda Itoobiya in raashinkaasi loo soo mariyo.

Dhinaca kale, mowqifka Wasiirka Gaadiidka Itoobiya iska taagay taageerida heshiiska casriyeynta dekedda Berbera ee dhex-maray wadamadda Somaliland iyo Imaaraadka carabta ayaa imanaya wakhti todobaadkii hore Maareeyaha wakaalada dekedaha Itoobiya, si weyn u soo dhoweeyey saxeexida heshiiskan.