Somaliland: “Dad Aan Dhakhaatiir Ahayn Ayaa Dadka U Soo Gashanaya Shaadhkii Caafimaadka” Xildhibaan Dheeg.

0
709

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa walaac xoogan ka muujiyay cisbitaalada gaarka loo leeyahay, kuwaasi oo uu qaarkood ku tilmaamay in ay iska furteen dad aan aqoon u lahayn mihnada caafimaadka.

Xildhibaan Dheeg oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay in aan ciddina wax ka qaban cisbitaalada gaarka loo leeyahay iyo meheradaha Pharmacy-yada oo uu sheegay in ay dawooyinka u iibiyaan sida tukaanadda.

“Farmasiiyadii waxa iska furtay dad aan aqoon lahayn oo aan cilmi lahayn, dad aan dhakhaatiir ahayn ayaa iska fadhiisanaya intay shaadhkii cadaa ee dhakhtarada u gashadeen dadka oo dawooyinkii u qoraya, markii ay arkeen in aanay cidi waabinayn, inamadii yar yaraa ee Pharmacyada haystay ee sida tukaanada u iibinayay dawooyinka ayaa inta ay dhakhtar u furteen kuyuu loo galayaa oo lacag ku qaadayaan aragti dhakhtar,”ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.

Xildhibaanku waxa kale oo uu intaasi ku daray “Dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeiysa maaha in sidii dhakhtar gaar loo leeyahay ama Pharmacy oo kale ummaddu u isticmaasho, waayo waa dhakhtarkoodii oo waa kii dawladda, cisbitaalkuna waa in uu ka soo kabtaa sidii uu ahaa maalintii aynu Boorama ka nimid. waana in dadka la odhan xabada kiniinka ah Pharmacy ka soo iibso’’.

Mudane Dheeg waxa uu ciidamada booliska ku amaanay sida ay u sugeen amaanka degmooyinka magaalada Hargeysa waxaana uu yidhi

“Ciidamada boolisku aad ayay ula dagaalamaan tuugta, runtii saldhiga Maxamuud Haybe oo kale ee xaafada Qudhac Dheer ku yaalaa wuu la dagaalamaa tuugta iyo dhalinyarada rabshadaha sameeya, habeen walbana way soo qabtaan, markaa dadka dhalinyaradan dhalay ayaa booliska la daba socda ii soo daaya inanka, laakiin aad ayaa looga shaqeeyaa amaanka magaalada Hargeysa, booliskuna intii itaalkooda ah aad ayay u shaqaynayaan, sadkooduna waa yaryahay, shaqadooduna waa badan tahay, waanan uga mahad naqayaa, waxaana aan leeyahay waalidku haka qaybqaataan edaabta caruurtooda.’