Somaliland: Baanka Aduunka Iyo Xukuumada Oo Daah-furay Mashruuc Lagu Maalgelinayo Ganacsatada

0
752

Baanka Adduunka ayaa mashruuc uu ku maalgalinayo Ganacsatada yar yar iyo Ganacstada dhexe si rasmiya u daah furay, si ay kor ugu soo qaadan ganacsigooda.

Munaasibadii shaacinta mashruucan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa shalay ka qabsoontay Xarunta Somaliland ee Hay’dda FOA, waxaana ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Masuuliyiin ka socda Baanka Adduunka, Guddoomiyaha Baanka Adduunka ee horumarka Ganacsiga gaar loo leeyahay, saraakiil ka socda Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin tiro badan.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe), oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in mashruucani qiimo balaadhan u leeyahay Somaliland, isla markaana wuxuu uga mahadnaqay Baanka Adduunka mashruucan waxaanu yidhi isaga oo arintan ka hadlaya”Sida aynu ognahay Somaliland waxay waajahday caqabado badan, oo xaga maalgashiga iyo baananka ah, iyada oo aynu ognahay in ganacsiga xorta ah ee gaarka loo leeyahay uu yahay mishiinka wada koboca dhaqaalaha, ayaa waxay noqotay inay caqabadahaasi ka hor yimadaan oo ay heli waayaan baanan caawiya, marka mashruucan SCORE oo ujeedadiisu tahay in Somaliland laga caawiyo caqabadahaas maalgashi iyo dhaqaale ee ka hor yimid, waana mid ay wada jir u sameeyeen Dawladda Somaliland iyo Baanka Adduunku, oo inaga caawiya meelo badan haddii ay tahay Dhaqaalaha iyo haddii ay tahay horumarkaba”

Guddoomiyaha horumarka ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Baanka Adduunka Suhail Kassiam oo isna mashruucan ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani faa’iido badan u leeyahay dalka, isla markaana uu leeyahay laba weji oo wejina ay soo marin doonaan Baanka dhexe ee Somaliland wejina ay si toos ah ula xidhiidhi doonaan Ganacstada yar yar iyo kuwa dhexe, waxaanu sheegay inuu mashruucani socon doono muddo dhan saddex sanno, isaga oo si gaar ah u sheegay in mashruucan dawladda wada wadaan, gaar ahaan Wasaaradda Qorsheynta, waxaanu xusay in mashruucani lacag badani ku bixi doonto, isla markaana lacagta ku baxaysa Somaliland ay tahay 8.91 million dollar.

Waxaana mashruucan Score ee uu fulinayo Baanka Adduunku iska  kaashaday EU-da, the Royal Norwegian Embassy, the Swedish International Development Cooperation (SIDA) agency, the Swiss Agency for development Co-operation (SDC), the UK depertament for international Development (DfiD), Italin ministry of  foreign Affairs and Internaltional Coopertion, Denmark Ministry of Foreign Affiars(DANIDA), Finnish Ministry of foreign Affairs and the world bank state and peace building fund (SDF).