Somaliland: Nuqulo Kamida Heshiiskii Dhex Maray Xukumadda Iyo Shirkada DP World Oo Warbaahintu Heshey

0
692

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Saddex Saxeex Oo Magacyadu Kala Duwan Yihiin Saxeexay.

Heshiiska ay xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda DP World ayaa ka kooban sadex qaybood oo kala ah; isfahamka guud, heshiiska wareejinta Dekedda iyo heshiiska wadaaga shirkad la wada yeelanayo oo la wareegaysa maamulka Dekedda, Sida ku cad nuqul ka mid ah heshiiskan oo uu wargeyska Ogaal helay., waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin guud mar ah oo ka turjumaysa waaxyaha heshiiska aanu nuqulkiisa helay iyo qoddobadiisa.

Siday muujinayaan qoraaladda la kala saxeexday Heshiiska xukuumadda iyo DP World wuxuu ka kooban yahay sadex qaybood oo kala, heshiis ka kooban 12 qodob oo is faham guud ah, Heshiiska ogolaanshaha wareejinta Dekedda Berbera oo ka kooban 37 qodob iyo heshiis ka kooban 20 qodob oo lagu magacaabo heshiiska saamilayda shirkad lagu magacaabay Kambaniga hawlfulinta Dekedda Berbera oo ah kambaniga la wareegaya maamulka dekedda oo ay wada yeelanayaan DP World iyo Somaliland.

Sadexdaa qaybood ee Heshiiskan waxa saxeexay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire. Heshiiska isfahamka guud oo ka kooban 12 qodob wuxuu ku saxeexay magaca Wasiirka arrimaha Dibadda, heshiiska wareejinta oo ka kooban 37 qodob laba jeer buu saxeexay, mar wuxuu u saxeexay dawladda Somaliland, marna wuxuu ku saxeexay magaca maamulka Dekedda, halka uu qaybta sadexaad ee heshiiskan ee saamilayda shirkadda la wada yeelanayo ee la wareegaysa Dekedda uu kaga saxeexay magaca maamulka Dekedda, halkuu ka saxiixe lahaa Maareeyaha Dekedda Cali Xoorxoor.

Heshiiska wareejinta Dekedda waxa qoraalkiisa hordhac u ah in Dawladda Somaliland oo ah mulkiilaha iyo maamulaha Dekedda Berbera, ay ku wareejinayso xuquuqdii lahaanshaha iyo maamulkaba kambani cusub oo ay wada leeyihiin shirkadda DP World iyo dawladda Somaliland, kaasoo magaciisu noqonayo Kambaniga hawl fulinta Dekedda Berbera, isla markaana ay shirkadda DP World raasamaalkiisa yeelanayso 65%, Dekedda Berberana yeelanayso 35%. Warreejintaasna ay la socota inay balaadhiso shaqada dekeda jirta, inay dhisto oo maamusho deked cusub oo Berbera ah si waafaqsan heshiiskan.

Dhanka kale Qodobadda Heshiiskan qaybihiisa oo uu wargeyska Ogaal gadaal idiinka soo gudbin doono iyagoo dhan, waxa qodobadiisa ka mid ah, in aan muddada heshiiskan cid kale la siin karin wax ku saabsan maamulka, horumarinta, dhismaha iyo adeega Dekedda. In dhismaha deked cusubi uu imayo, marka tan hadda jirta isticmaalkeeda la gaadhsiiyo 75%, in shirkadda maamulka la wareegaysaa ay diidi karto kordhinta haddii aanay ganacsi ahaan macquul ahayn. In shirkadda la wada leeyahay lagu wareejiyo maamulka Dekedda iyo gacan ku haynta hantideeda guurtada iy ma guurtada ah, sadex bilood gudahood marka heshiiskani dhaqangal noqdo.

In muddada heshiiskan oo ah 30 sano aan cid kale heshiis lagula geli karin Dekedda, in shaqaalaha hadda Dekedda ka shaqeeya ay la wareegi doonto shirkadda la wada leeyahay ee la wareegaysa maamulka Dekedda, marka laga reebo tiro shaqaale ah oo dawladda lagu wareejinayo, in dawladdu helayso sanadkii khidmad xadidan oo 5milyan oo doolar ah iyo 10% wax soo saarka adeega Dekedda, in kambaniga la wada yeelanayo ee maamulka la wareegayaa xor u yahay dejinta, wax ka bedelka iyo qaadista cashuuraha macaamiisha dekedda isticmaalaysa, isla markaana ay kordhin karto tacriifadda cashuuraha labadii sannaba mar kadib markay la tashadaan dawladda.

In wejiga koowaad dekedda hadda jirta lagu sameeyo qalabayn, dayactir, hagaajin dhanka nidaamka, farsamadda iyo amaanka ah oo ay ku baxayso ugu badnaan 62 milyan oo doolar. In wejiga labaad la bilaabo dhismaha iyo naqshadaynta deked cusub oo 400mitir ah iyo barxad 25 hektar ah oo ay ku baxayso ugu badnaan 170 milyan oo doolar. Wejiga sadexaad, in marka isticmaalka dekedaa cusubi gaadho 75% la dhiso 400mitir oo kale iyo barxad kale oo 25hektar ah, oo ku kacaya ugu badnaan 210 milyan oo doolar. In 10 ka sano ee ugu horeeya laga dhaafayo cashuuraha 100%, isla markaana shanta sano ee ku xigta laga dhaafayo 50% cashuuraha ku waajibay.

Waxa kale oo qodobadda heshiiskan ka mid ah, in heshiiskan loo raacayo xeerarka England, in wixii khilaaf ah ee yimaada lagu xalin doono wada hadal dhinacyada dhexdooda ah 30 cisho gudahood, haddii lagu xalin kari waayana loo gudbin doono Imaaradda Dubai si ay dhexdhexaadiso, iyadoo la raacayo xeerarka DIFC-LCIA.

Dhinaca kale heshiiskan qaybtiisa ka hadlaysa sida loo wadaagayo shirkadda la wada leeyahay, waxa qodobadiisa ka mid ah; in Shirkadda la wada yeelanayo ee la wareegaysa maamulka Dekedda uu magaceedu noqonayo, Kambaniga maamulka Dekedda Berbera, yeelan doontana guddi ka kooban 7 xubnood, oo shank a mid ah ay yeelanayso DP World, BPA ay yeelanayso laba xubnood, gudoomiyuhuna mar kasta ka imanayo xubnaha DP World. In saamiga shirkaddan 65% ay yeelanayso DP World, 35% na ay yeelanayso BPA(Berbera Port Authority), isla markaana 10% ka mid ah saamiga 35% ka ah ay kaash ku bixinayso, 25% kalena loogu qiimaynayo Dekedda hadda iyo hantideeda.Waxa kale oo ka mid ah, in kambaniga lagu dhiqi doono shuruucda England iyo qaar kale.