Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Inay Aqoonsadaan Somaliland

0
884

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in la gaadhay wakhtigii la aqoonsan lahaa Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qormo uu qoray oo lagu baahiyay warbaahinta loo yaqaano dailymaverick.co.za, wuxuu ku sheegay in shacabka reer Somaliland muujiyeen dedaal iyo horumar, balse ay ilaa hadda sugayaan taageerada beesha caalamka. “Toddobaadkii hore waxa ay Somaliland u dabaal degtay 25 guurada xorriyadda Somaliland, meel kasta oo aanu dunida ka joogno, waxaad ku arkaysaa dadka reer Somaliland oo isku qurxiyay casaan, cadaan iyo cagaar oo jaasaya, heesana ku dabaal degaya.” ayuu Madaxweyne Siilaanyo qormadiisa ku bilaabay, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu haysanaa sabab cad oo aanu u dabaal degno. Reer Somaliland waxay ka soo gudbeen wakhti adag oo nabad iyo dimuqraadiyad kaga dhiseen gobal colaado dhibaateeyeen. Ka dib guulo layaab leh oo la keenay rubuc qarnigaas in degenaasnho lagaga hirgeliyo gobal qasan, hadda waxa la joogaa wakhtigii si rasmi ah loo aqoonsan lahaa, waxaanay xaq u leeyihiin in codkooga laga maqlo fagaarayaasaha caalamka.”

Wuxuu sheegay in inkastoo ay Somaliland xorriyadeeda kala soo noqotay dalkii Somaliya la isku odhan jiray, haddana inaanay weli beesha caalamka ka helin ictiraaf caalami ah, “Waa cadaalad darro aad u weyn iyo aragti gaaban. Haddii Somaliland la aqoonsado waxay awood u heli doontaa inay soo jiidato maalgashiga shisheeye iyo daymo la siiyo, dhaqaalaheeda ayay xoojin doontaa waxaanay dhallinyaradeeda oo qaar badan oo ka mid ahi ay tahriibeen, kuna geeriyoodeen si ay Yurub u gaadhaan una helaan shaqo ay u abuuri doontaa shaqoooyin.” ayay qormadu tidhi.

Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in reer Somaliland nabad iyo degenaansho la jecelyihiin Somaliya, balse aanay aaminsanayn in Somaliland oo Somaliya ku biirta aay keenayso degenaansho iyo nabad, balse taas cakiskeed ay qas ka buuri karto Somaliland, wuxuuse xusay in Somaliland diyaar u tahay inay ka qaadato nabad u raadinta Somaliya iyo sidii loogu heli lahaa xal waara oo nabadeed.