Somaliland: “Waxaan Iskaga Casilay Musuqmaasuqa ka Jira wasaaradda Ciyaaraha” Xasan Waraabe-cadde Guddoomiyihii Olymbiga Somaliland

0
633

Guddoomiyihii hore ee Olambiga Somaliland, Md. Xasan Waraabe-cadde ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Wasiirka ciyaaraha Somaliland kaas oo ku tilmaamay in uu weli sheegto xilkii uu iska casilay ee guddoomiyaha Olymbiga Somaliland.

Xasan Waraabe-cadde wuxuu sheegay in xilka guddoomiyaha CIyaaraha uu iska casilay markii uu arkay musuq badan oo ka dhex jira wasaaradda ciyaaraha, taas oo uu go’aansaday in aanu ku milmin.

Xasan oo dhallinyarro reer Somaliland ah kala qayb gelaya koobka adduunka ee dalalka aan la ictiraafin, kuna sugan magaalada Addis Ababa, ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey shabakadda ciyaaraha ee cadalool waxa uu ku sheegay in masuuliyiinta wasaaradda ciyaaruhu ay meel kaga dhaceen sumcadda, sharafta iyo qarannimada Somaliland, kuwaas oo uu xusay inay qoraallo aan habboonayn u direen dalal dibadeed.

Qoraalka uu Xasan-waraabe cadde soo gaadhsiiyey shabakadda cadalool, waxa uu u dhignaa sidan:

“Fallaadhi Gilgilashada kaagama go’do

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shacbi-weynaha Somaliland meel kastoo ay joogaan gaar ahaan bahda ciyaaraha ee sharafta mudan.

Waxaan ka xumahay Hadallada Raqiiska ah ee uu Wasiirka Cayaaruhu shir saxaafadeed uu qabtay uu aniga igaga hadlay. Waan ogahay Wasiirku aqoon badan iima laha waanan ogahay cidda hadalladaa raqiiska ah u dhiibtay, maanse jeclayn in aan ka jawaabo, waayo dadka maanta isbari maayo anigu laakiin Falaadi gilgilashada kaaga hadhi maayso.

Wasiir waxaan kuu caddeynayaa in aan iska casilay Godoomiyenimada Olymbiga Qaranka bishii September, sidey u qornaydna waan kuu soo gudbin doonaa una dhiibay wasiirkii hore waxaanan ahaa shaqsigii kaliya ee markuu arkay masuqmaasuqa iyo karti darrada ka socota wasaaradda go’aansaday in aanu qayb ka noqon.

Haddaba, waxaa fiicnayd in aad ummada u soo bandhigto xaqiiqda war-saxaafadeedkaaga waxaanan kuu caddeynayaa in aanan xil ka hayn wasaaradda, adiguna aanad aqoon ii lahayn. Waxaa kaa horreeyay war-saxaafadeed aad ku daadifinaysaan kuna cambaareynayseen dhalinyaro is abaabushay oo qarankan ku ilaalinaya sumcadooda Somalilandnimo oo ku nool UK, Norway iyo Germany oo ka qayb gelaya tartan waddamada aan la ictiraafin (Eeg halkan http://worldfootballcup.org/) hormoodna ka yihiin dhalinyartaa UK ee maanta soo bandhigi doonta sumcadda wadankooda iyo calankooda oo aanu ka mid nahay kuwa garab taagan hawshaas quruxda badan ee foodda inagu soo haysa ee Abkhazia World Cup 2016 .

Hawshaas yaa diidan yaa been abuur ka sameeyay, yaa ku tilmaay jabhado, meeqaam aan inagu haboonaayn, yaa ku cayaaraya sharafta iyo sumcadda madaxda qaranka, yaa dhalinta ku tilmamaya jabhado lala cayaarayo. Horta akhrista qoraalka halkan ku lifaaqan (http://worldfootballcup.org/). Waxaan u caddeynayaa umadda soona bandhigayaa qoraalladii loo diray CONIFA ee la doonayay in lagu joojiyo sharafta iyo sumcadda Somaliland ragga horseedayna la niyad jabiyo.

Anigu Xassan ahaan arrinkaygu waa wax sahlan laakiin yaa ka garnaqaya sharaf-dhaca aad samayseen (Wasaaradda Ciyaaraha) ee aad isku daydeen in aad gaalada si ixtiraam-darro ah aad waraaqo ugu qortaan maantana aad istidhaahdeen waxaan ku gaban karnaa anagoo Xassan dusha u saarna fadeexaddaas idin dul hoganaysa.

Waxaan diyaar u ahay in la baadho cidda sharafta iyo qaranimada halkay ku haboon tahay diidan lana horkeeno sharciga.

Waxaad iga sugtaan waa qoraaladii oo dhan.

ALAA Mahad leh

Xasan waraaba-cadde