Somaliland: Muuse Biixi Oo Dawladda Ethiopia Ku Canaantay Dib U Dhaca Aqoonsiga Somaliland

0
954

Guddomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dawladda Itoobiya ku canaantay inay qayb ka tahay dib u dhaca ku yimid aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, isagoo xusay inaanay 25 sannadood ka jawaabin dalabka shacabka reer Somaliland.

Muuse Biixi, oo waraysi siiyay wargeyska The reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuu sidoo kale sheegay in ururka Midowga Afrika uu yahay caqabada koowaad ee hortaagan aqoonsiga Somaliland.

Isagoo ka hadlaya in caqabada koowaad ee hortaagan aqoonsiga Somaliland uu yahay Midowga Afrika wuxuu hoggaamiyaha KULMIYE yidhi, “Dhimaha ugu dheer ee uu Shiinuhu ka dhisay badhtamaha Addis Ababa oo ah halka ay madaxda Afrika isugu tagaan sannad kasta ayaa ah caqabdayada koowaad.”

Caqabada labaad ee hortaagan aqoonsiga Somaliland, wuxuu ku sheegay Muuse Biixi wadamada jaarka la ah Somaliland, gaar ahaan Itoobiya, “Walaalka weyn ee aanu gobalka ku leenahay waa Itoobiya oo la soo raaciyay Kenya iyo Djibouti, kuwaas oo wadamada kale ee Afrika si wanaagsan ugaga xogogaalsan qaddiyadda Somaliland. Sidaas oo ay tahay haddana way ka aamuseen qadiyadayada.” ayuu yidhi Muuse.

Muuse Biixi oo uu wargeysku ku tilmaamay inuu  yahay ninka ugu dhow ee bedeli doona Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sheegay in dalalka jaarka la ah Somaliland, gaar ahaan Itoobiya oo uu ku tilmaamay quwada gobalka ay ku doodayaan cudur daaro badan marka laga hadlayo inay aqoonsadaan Somaliland, wuxuuse sheegay in cudur daaradaasi aanay Somaliland dan u ahayn.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah cudur daarka Itoobiya ee la xidhiidha aqoonsiga Somaliland uu yahay cadaawada guunka ah ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, halka cudur daarkeeda labaadna uu yahay inay tahay dhexdhexaad, maadaama oo ay tahay xarunta Midowga Afrika, “Djibouti iyo Kenyana waa la mid.” ayuu yidhi Muuse, oo intaas raaciyay, “Ma doonayaan inay noqdaan wadanka koowaad ee aqoonsada Somaliland.

Hase yeeshee wuxuuse Muuse Biixi sheegay in shucuubta Afrika ay u madaxbanaanyihiin  go’aamadooda “Waxaynu nahay umad Afrikaan ah oo u madaxbanaan go’aamadooda, xataa iyadoo ay jirto farogeligelinta reer galbeedku.”

Ugu dambayn wuxuu Muuse Biixi Cabdi sheegay inuu aaminsanyahay in madaxda Afrika ay cabsi weyni hayso, marka loo yimaado aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.