Somaliland: “Xamar Waa Meesha Ugu Liidata, Madaxweynayaashana Xasan Sheekh Ayaa Ugu Liita” Xildhibaan Dheeg

0
779

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu xildhibaanku sidoo kale jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay wasiirka khaarajiga Somaliya Cabdisalaam Hadliye.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, waxaanu hadalkiisi ku bilaaba sidan

“Somaliya ha la iska hadlo mooye, anigu uma arko inay tahay dawlad lala hadli karo oo inoo dhiganta, toddoba madaxweyne ayey leeyihiin, oo mid waliba Madaxweyne ku xigeen leeyahay, oo mid waliba Gole Wakiilo leeyahay, oo imika Xamar iyo Puntland, waxa horumarsan oo amaan badan Puntland, Xamar waxa kale oo ka horumarsan Kismaayo, Xamar waa meesha ugu liidata, Madaxweynayaashana Madaxweynaha ugu liita waa Xasan Sheekh”.

Xildhibaan Dheeg mar wuu jawaab ka bixinaayey hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa yidhi

“ILLAAHAY baa na ictiraafsan, kuwii la ictiraafsanaa ayaa ina majeeranaya, waxaan maqlaayey Wasiirka Kharaajiga Somaliya oo leh Somaliland nabadgalyadaas ku naaloon mayso, anaguna ku jiro mayno dhibkaas iyo sidaas aanu ku jirno, waxaan leeyahay anaguna dhib kugu maanu ducayne kuguna ducayn mayno, ALLE ha ka samato saaro, ALLE nama soo gaadhsiiyo ta idin haysata, xaasidnimadu waa waxa halkaas idin dhigay, haddii aad maalin qudha odhan lahaydeen dadkaas la xasuuqay ee diyaaradaha lagu rusheeyay waa dadkii dawladnimadooda idiin keenaye wuxuun bay ahaan lahayd, balse taasi marnaba may dhicin, ee habaarka naga daaya”.

Dhinaca kale Xildhibaan Dheeg wuxuu ka hadlay xuskii 18-may oo uu sheegay inay Shacabka reer Somaliland muujiyeen qadiyadooda, waxaanu sheegay in aanay marnaba Somaliland dib ula midoobayn Somaliya, waxa kale oo uu soo dhaweeyey heshiiska Dekadda Berbera oo uu sheegay inay wax badan ka tari doonto shaqo abuurka iyo horumarka dalka iyo waliba wadamada jaarka, isaga oo xusay inay Dekadda Berberi ku taalo goob istaraataji ah.