Somaliland: Mary Harper Oo Warbixin Xiiso Leh Ka Qortay 25 Guuradda Madax-banaanida Somaliland

0
98

“Somaliland Waxaan Socon Karaa Xataa Habeenkii, Halka Soomaaliya Aanan Socon Karin Illaa Aan Kaxaysto…”

Tifaftiraha qeybta Afrika ee idaacadda BBC-da, Mary Harper, ayaa warbixin dheer ka qortay 25 sanno guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadda madax-banaanida Somaliland oo shalay laga xusay dalka Jamhuuriyadda Somaliland. waxay ka sheekaysay qoddobada u hirgalay Somaliland rubuc-qarnigii ay ka madaxa banaanayd Soomaaliyadii ay ka go’day iyo caqabadaha hor yaalla.

Mary Harper, waxay sharaxday dawladnimadda shaqeynaysa, hanaanka dimuqraadiyadda ee Somaliland ka jira oo ay ku sifaysay in lagu sheegi karo meelaha ugu xasiloon uguna dimuqraadisan Geeska Afrika, sida ay ku daabacday shabakadda BBC-da. Waxaanay warbixinteeda isku barbar dhig ku samaysay dawladaha Hargeysa iyo Muqdisho iyo mid waliba taageeradda ay ka heshay beesha caalamka.

Haddaba, Weriye Cumar Maxamed Faarax oo ah tifaftiraha guud ee DAWAN, ayaa soo turjumay warbixintii tifaftiraha BBC-da Qeybta Afrika kaga faallootay Somaliland iyo debaal-dega munaasibadda 18-ka May oo xalay niskii dambe lagu daabacay mareegta BBCnews.com. warbixintan oo aad u dheerayd intii ugu muhiimsanayd waxay u qornayd sidan:-

“25 sanno ka hor dagaalo lagu hoobtay ka dib waxa gobolladii waqooyi galbeed ay ka go’een dalkii Soomaaliya intiisii kale waxaanay ku dhawaaqeen inay madaxbanaanidoodii kala soo noqdeen.Rubuc qarni ka dib ma jiro dal kaliya oo aqoonsi siiyay Somaliland,laakiin waa dal dadkiisa lagu qadaray 3 milyan iyo badh, waxaana lagu sheegi karaa meelaha ugu nabdoon uguna dimuqraadisan geeska Afrika.
Dalkani waxa uu leeyahay lacagtiisa gaarka ah, baasaboor, ciidammo, nidaamkiisa sharciga ah. Madaxweynahoodu waxa uu awooda ku yimid doorasho, waxa laga qabtay doorashooyin lagu kala helay codad aad u yar natiijadii doorashooyinkooda, si ka duwan sida dalalka Afrika, natiijooyinka doorashadda waa loo hoggaamsamaa Somaliland xataa haddii mucaaridku ku guulaysto.

Qaar ka mid ah muhaajiriintii ku dhintay badda Mediterranean-ka ayaa ka soo jeeday Somaliland, waxaana shaqo la’aanta ka jirta lagu qiyaasay 75%. Booqashadaydii u dambaysay ee aan Somaliland tagay waxaan jidadka ku arkay dhalinyarro sita shandado ,waxay ii sheegeen inay tahriibayaan, aniguna waxaan u sheegay socdaalka adag ee ay wajahayaan iyo halista hortaalla ee ay ku gaadhi karaan Yurub.

. Bishii January waxay dawladdu qisaastay lix qof oo lagu helay inay geysteen dilal.Afar fanaan oo ka tirsan kooxda xidigaha Geeska ayaa sannadkii hore Somaliland lagu xidhay ka dib markii ay ka soo laabteen Soomaaliya, dambigooduna waxa uu noqday inay kor u qaadeen calanka buluuga ah ee Soomaaliya mar ay Muqdisho booqdeen.Somaliland waxay leedahay calankeeda gaarka ah ee cagaarka, caddaanka iyo casaanka iskugu jira.

Somaliland waxa ka jira nabad-gelyo cago-adag ku taagan. Waxaan mararka qaarkood u kala safraa Somaliland Iyo Soomaaliya maalin kaliya. Soomaaliya marka aan ahay Suxufi reer galbeed ah ma socon karo illaa aan kaxeysto lix ilaaliye oo hubaysan (bodyguards) iyo laba baabuur oo muraayado madmadow leh, waxa inta badan ka jira dad ismaadaamiya oo qaraxyo geysta, hoobiyeyaal la isku garaaco iyo weeraro kale.

Dhinaca Somaliland waxaan xataa u socon karaa kaligay xataa habeenkii Soomaali badan ayaa ka faa’iidaysta nabad-gelyadda Somaliland waxaana xagaaga oo kale la iskaga yimaadaa adduunka oo dhan. Qoysas badan oo Soomaali ah ayaa uga yimaada dalalka Maraykanka, Canada, Europe, Australia, khaliijka iyo kuwo ka yimaada xilliyada fasaxyadda meelo badan oo Sooomaaliya ka mid ah.
Kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya waxay kor u qaadayaan su’aalo badan oo la xidhiidha aqoonsiga.
Farqiqa u dhaxeeya Somaliland Iyo Soomaaliya
Soomaaliya waxay haysataa aqoonsi buuxa, waxaana la geliyay balaayiin doolar, waxaana ku naf waayay dad badan si ay u soo celiyaan nabadgelyaddii Soomaaliya dalkaasina waxa uu ku soo dhex jiray muddo rubuc qarni dagaalo ah. Inkasta oo horusocod laga sameeyay haddana ma muuqdaan bidhaamo tusmaynaya in nabad-gelyaddii si dhakhso ah loo soo celin karo.

Somaliland lama aqoonsanna manay helin kaalmo dibadeed oo badan, hase yeeshee iyaga ayaa isku tashaday oo salka hoose nidaamkooda ka soo unkay dagaaladii ka dib.

Markii iigu horaysay ee aan dhulkan (Somaliland) tagay waxay ahayd horaantii sagaashanaadkii, Markii aan dib ugu laabtay 2011-kii waxaan arkay Hargeysa cusub oo iga yaabisay. Haddii Somaliland la aqoonsado ma sii jiraysaa xabagta wada jirka ah ee isku haysa mise waxa suurto gal ah inay dagaallo ka dhacaan sida reer koonfureedka ay jaarka yihiin?”

Comments

comments