Somaliland: Guulaha Weheliya Dabaaldegga 18-ka May 2016, Maxaase Inala Gudboon? Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Hassan

0
736

Aniga oo ka faa’iideysanaya debaaldegga sannad-guurada 25aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland, waxaan halkan hambalyo uga dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo xaaskiisa, Madaxweynaha-ku-xigeenka Somaliland iyo xaaskiisa, ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo dhammaan shacab weynaha Somaliland. Waxaanan leeyahay hambalyo, hambalyo!

Dadka reer Somaliland waa in ay ogaadaan in ictiraafkoodu iman doono sida ugu dhakhsaha badan Insha Allaahu, si aynu taas oga dhabayno waa in aynu xoojinaa midnimadeena iyo xidhiidhka dhexdeena iyo ka caalamka kale aynu la leenahay.

Waxa cad oo aan la qarin karin in caalamku u soo baratamayo in ay xidhiidh la sameeyaan Somaliland si ay uga faa’iideystaan muhiimadda boqcadda Illaahay dhigay Somaliland oo ah meel muhiim ah. Hore taariikhda waxa aa uga akhrideen ama la idiinka sheekeeyay in Boqortooyadii Cusmaaniyiintu ay xidhiidh la laaheen dekeda Berbera, halkaas oo ay ka dhiseen masaajidka loo yaqaan Masaajidka Turkiga iyo waliba ceelka Dubaar ee magaalada Berberi ka cabto biyaha.

Waxa kale oo muujinaysa muhiimadda magaalada Berbera in quwadii weynayd ee Midowgii Soofiyeeti ay ka dhisteen madaar milatari xeebta magaalada Berbera, kaas oo leh mid ka mid ah runway-yada ugu dheer qaaradda Afrika. Midowgii Soofiyeeti ayaa u isticmaalayay garoonkaas hawlo milatari.

Iyada oo ay jirto hawlahaas oo dhammi, hadda waxa aynu ka warqabnaa in Dawladda Isku-tagga Imaaraadka Carabtu ay doonayaan in ay maalgelin lacag badani ku baxayso ku sameeyaan dekeda Berbera. Iyada oo laga dhigato deked casri ah. Haddaba waxa isweydiin mudan Waa maxay faa’iidada Somaliland ugu jirta heshiiskan lagu doonayo in lagu balaadhiyo laguna casriyeeyo dekeda Berbera? Jawaabta su’aashan haddii aynu si dhab ah uga jawaabno waxa aan ku soo koobi karaa:

  1. in dekeda Berberi noqon doonto meel muhiim ah oo dakhli badani ka soo gelo Somaliland,
  2. In ay noqon doonto deked udub dhexaad u ah maraakiibta u kala gooshaysa qaaradaha caalamka,
  3. shaqo abuuris: in dhalinteena wax soo baratay ee badaha ku haligmaya in ay u noqoto goob ay shaqo ka helaan, iyo
  4. in ay soo dedejiso ictiraafka Somaliland.

Dhalinyaradeedu waa in ay ogaadaan in ay haystaan wadan wax walba ay yaalaan oo wax laga soo saaran karo. Dibedda lagu yaacayo waxba ma yaalaan, ee dhulkaaga ayaad ka dhergi kartaa. Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhargaa. Sidaa darteed, waxa aan dhalinyarada Somalialnd u boorinayaa in ay ka fikiraan oo aqoontooda iyo fikirkooda iskugu geeyaan sidii ay wadankan hore-ugu-marin lahaayeen. Wadan kasta waxa hore-u-marin kara dhalinyaradiisa.

Maanta sida aynu ognahay adduunku waxa uu u socdaa si xawli ah oo taabanaysa dhinac walba. Sidoo kale, Tan iyo 1991-kii Somaliland waxa iyadna ku socda isbedel weyn. Madaxdii kala duwanayd ee soo martay dalkeenu midba meel ayuu soo gaadhsiiyay geedi-socodka Somaliland. Waxa aynu ka soo bilaabmay meel hoose illaa aynu maanta gaadhnay meel sare. Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu runtii horseeday horumar balaadhan oo aad looga dareemay dhammaan guud ahaan dalka oo dhan. Waxa uuna diyaar u yahay in uu horumarkaa sii wado, isaga oo sii diyaarinaya madaxweynihii halkaas ka sii ambaqaadi lahaa oo ah Muuse Biixi Cabdi oo ah nin ku adag Somaliland. Muuse Biixi in badan ayaan ka wada hadalnay arrimaha Somaliland, waxaanan hore uga qoray 29 June 2014 maqaal aan talo ku siinayay Muuse Biixi, taas oo aan odhan karo waxa ay u horseeday guusha uu gaadhay maanta.

Guntii iyo gunaanadkii, maxaa haddaba inala gudboon in aynu samayno? Waxa aan anigu talo ahaan ku soo jeedin lahaa in aynu taageero xoogan u muujino heshiiskaan lagu dhisayo dekeda Berbera maadaama oo ay inoo leedahay faa’iidooyinkaas aynu kor ku soo sheegnay. Waxa kale oo aan ku talin lahaa in aynu taageero u muujino dhaxalkaa uu Madaxweynaheenu inooga tagayo ee Muusi Biixi Cabdi, iyada oo aynu leenahay saddex xisbi oo ku tartami doona doorashada ka dhici doonta dalkeena.

Illaahay xaqa ha ina waafajiyo….aamiin