Somaliland: Gudoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Oo Socod Ku Soo Maray Xaafadaha Koonfurta Iyo Bariga Hargaysa

0
805

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murashaxa Xisbigaas, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Jimcihii wuxuu socod daansho daanshood ah ku maray Xaafadaha Koonfurta iyo Bariga Hargaysa.

Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayeen Xildhibaan Hanad Xashi oo ka tirsan Golaha Degaanka Hargaysa iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) wuxuu fadhi qaxweyn ah Maqaaxida Star ee Koonfurta Hargaysa kula qaatay, xubno kamid ah waxgaradka degaankaas oo ay kamid ahayeen, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) Ganacsade Cumar Caydiid iyo Oday Xaji Aabi Xujaale, iyo Eng: Xaashi Ismaciil.

Sidoo kale wuxuu Bariga Magaalada Hargaysa agagaarka Huteelka Golis salaan socod iyo istaagba lahayd uu kula yeeshay xubno kamid ah Madax dhaqameedka Bariga Hargaysa. Sidoo kalena wuxu xaafada shacabka kula kulmay odayaal uu kamid aha Xaji Cismaan Indhoo-le.

Muuse (1) Muuse (2) Muuse (3) Muuse (4) Muuse (5) Muuse (6) Muuse (7)