Somaliland: Dullucda Qoraal Madaxweyne Silaanyo u Gudbiyay Raysal Wasaaraha Ingiriiska

0
728

Qoraal ku saabsan Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u diray Raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska Mr. David Cameron, ayaa la sheegay in la gaadhsiiyey, sida uu wargeyska Dawan loo xaqiijiyey.

Qoraalkan oo nuxurkiisu ahaa sidii Somaliland uga heli lahayd beesha caalamka aqoonsi buux, maadaama ay buuxisay shuruudahiisii ayuu xildhibaan Mr. Stephen Doughty oo baarlamaanka Ingiriiska ugu jira xisbiga mucaaradka ee Shaqaalahu caddeeyey inay gudbiyeen.

Xildhibaan Mr. Doughty oo si weyn ugu ololeeya qadiyadda dib u aqoonsiga Somaliland ayaa sheegay in xildhibaanno kale oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Ingiriiska, xubno ka socday Somaliland sida Marwo Edna Aadan iyo wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska Aadan Cawaalle wadajir u gudbiyeen qoraalka, isla markaana rajeynayo inay jawaabtiisa helaan.

“Anniga iyo xildhibaanno kale, Edna Aadan iyo Cali Cawaalle, Wakiilka Somaliland ayaa gudbinay qoraalkii Madaxweyne Mr. Siilaanyo. Qoraalku wuxuu ku saabsana taageerida aqoonsiga Somaliland,” Ayuu ku jawaabay Mr. Doughty, mar weriye ka tirsan wargeyska Dawan wax ka weydiiyey.

Qorshahan oo qeyb ka ah dedaalo xukuumadda Somaliland ugu gudbinayso qadiyadda aqoonsiga wadamadda caalamka, isla markaana kuwo la mid ah loo qorsheeyey inay ka dhacaan waddamo kale sida Sweden ayaa ku soo beegmaya munaasibada xuska 25 guuradda maalintii shacabka Somaliland dib ula soo noqdeen xornimadoodii 18 May, sannadkii 1991.