Somaliland: Wasiirka Cadaalada Oo Ka Joojiyey Shaqadii Qareen-nimo Qareen U Dooda Xuquuqal Iinsaanka

0
749

Wasiirka Caddaaladda iyo Arimaha Garsoorka ee Somaliland waa inuu ka noqdaa go’aanka uu ruqsadii kaga qaaday Guleid Ahmed Jama oo ah qareen u dooda xuquuqda adaanaha. Sidaas waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay ururka caalamiga ah ee difaaca dadka u dooda xuquuqal insaanka, East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project.

 

16kii May 2016, waxa la qaybiyay waraaq ka soo baxday Wasiirka Caddaalada oo ka codsanaysa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare inuu ka qaado ruqsadda qareenimo Guleid Ahmed Jama. Guleid waa difaace xuquuqal insaan oo caan ah islamarkaana waa gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka oo ah urur hormood ah oo u dooda xuquuqda aadanaha oo saldhigiisu yahay Hargeysa.

Waraaqda Wasiirku soo saaray oo ku taariikhaysan 10ka April 2016, waxa Wasiirku ku eedeeyey Guleid xadgudub maadaama oo uu isku hayo qareenimo iyo gudoomiyinimada urur xuquuqda aadanaha u dooda. Guleid iyo Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay 16kii March uga doodeen dacwadda Saado Jaamac Aadan oo ah qof shacab ah oo booliisku soo xidheen ayna dacwad kaga hor oogeen maxkamad ciidan iyada oo loo diiday inay la kulanto qareen.

Guleid wuxuu waraaq u qoray Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Wasiirka Caddaaladda 16kii March 2016 isaga oo ku canbaareeyey xadhiga iyo haynta qayrul dastuuriga ah ee Saado ee ay u gaysatay maxkamad ciidan, isaga oo ka codsaday in dacwadeeda lagu qaado maxkamad caadi ah (civilian court).

Sida Sharciga Somaliland dhigayo, Gudida Ruqsad bixinta iyo Anshax-marinta Qareenada ayaa awood u leh inay la noqoto ruqsadda qareenimo, balse awood uma laha Wasiirku. Taas oo la samayn karo oo keliya kadib marka lagu sameeyo baadhitaan qoto dheer eedaha islamarkaana si cadaalad ah loo dhegaysto dacwadda.

DefendDefenders wuxuu canbaaraynayaa xad gudubka awoodeed ee uu ku kacay Wasiirku iyo is hortaagga uu iska hortaagay Guleid inuu guto hawshiisa xuquuqal insaan. Waxayna ugu baaqaysaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland inuu buriyo go’aanka oo uu u ogolaado Guleid inuu ku shaqaysto qareenimada, siina wato hawsha muhiimka ah ee xuquuqal insaan ee uu hayo  islamarkaana uu xor ka noqdo kadeed maamul iyo mid sharci.

Guleid waxa la xidhay April 2015 kadib markii uu waraysi siiyay BBCda oo uu kaga hadlay dilal masuuliyiinta Somaliland ay markaas fuliyeen, iyo in dib u habayn garsoorka lagu sameeyo. Waxa la sii daayay kadib markii uu ka soomay cuntadada si uga mudaharaado xadhigiisa.”ayaa lagu soo gab gabeeyay warsaxaafadeedka East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project

Halkan ka Eeg Warqda ka soo baxday xafiiska WasiirkaCaddaaladda.

MoJ-letter-744x1024