Somaliland: Wasiir Sacad Oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Lacagta Xaqul Qalinka Dekedu Ka Badantahay 15 Milyan Oo Dollar

0
735

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa jawaab ka bixiyey wararka sheegaya in lacagta heshiiska xaqul qalinka ee Dekadda Berberi ay ka badnayd 15-milyan oo dollar, waxaanu wararkaas ku tilmaamay waxba kama jiraan, isaga oo sheegay in heshiiskaasi ahaa mid cad oo aan qarsoonayn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, iyo arrimo kale oo ay ka mid tahay doodda ka dhalatay soo dhawayntii Madaxweyne Siilaanyo ee Djibouti.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya kulan uu shalay la yeeshay golaha wakiilada, wuxuu yidhi

“Waxa codsi iga  yimid Golaha Wakiilada, waxayna iga codseen in aan xog ka siiyo oo aan u faah faahiyo heshiiska Dekadda Berbera ee aynu la soo galnay Imaraadka, xog dhamaystiran baan siiyey, weyna ku qanceen”.

Mar aanu Wasiirka wax ka weydiinay waxa ka jira wararka sheegaya in lacagta xaqul qalinka ee heshiiska Berbera ay ka badan tahay 15-milyan dollar oo uu hore u sheegay wuxuu ku jawaabay

“Wararkaasi waa waxba kama jiraan, heshiisku wuu cadaa, waxaanu ahaa heshiis hor dhac ah lacagtuna waxay ahayd 15-milyan, lacagtuna warqad la kala saxeexday ayey ku qoran tahay, wax qarsoodiya maaha, ee lacagtani waa lacag la siiyo mashaariicda. Erayga xaqul qarin ayaa laga yaaba inay dadku fahmi waayeen, xaqul qalin maaha ee waa mashaariica la isa siiyo hordhaceeda, shan milyan waxa la inoogu iibinayaa doonyo  iyo toban milyan oo la inagu siinayo kaash, heshiiskan aanu soo galnay waa hor dhac, waxaana ka shaqaynaya heshiiskan Looyaro, Garyaqaano, heshiiskuna wax badan ayuu inoo tarayaa, horumar balaadhana dalkeena wuu u horseedaya”,

Mar uu Wasir Sacad ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa wuxuu  yidhi

“Wada hadalada inaga iyo Somaliya wuxuu bilaabay Sannadkii 2012-kii, waxa la isla gartay in inaga, Somaliya iyo Caalamkuba laga wada hadlo wixii inaga dhexeeya Somaliya, oo aayatiinkeenu wuu noqdo mid ka soo baxa wada hadal, oo jidkaas aynu marnay ee ah inaynu Somaliya wada hadalno uu noqdo mid horseed ka noqda Ictiraafkeena, wada hadaladuna waa sida ugu fudud ee aynu ku gaadhayno himiladeena”.

Wasiir Sacad mar wuxuu ka hadlay doodda ka dhalatay qaabkii ay dawladda Djibouti u soo dhawaysay Madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi

“Jabuuti waa wadan aynu saaxib nahay, oo aynu jaar nahay, oo dad iyo duunyaba wadaagno, Shacabka reer Somaliland xaq bay u leeyihiin inay ka hadleen dareenkooda ku waajahan qaabkii loo maamusay madaxweynahooda, laakiin waxa inoo sharaf ahaydba in la inagu marti qaado xafladii lagu caleemo saarayey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, marti qaadkaas ayaana inoo sharaf ah, balse maaha in la sii buun-buuniyo oo waxyaabo kale laga soo dhex saaro”

Dhanka kale wuxuu ka hadlay shir caalamiya oo uu kaga qayb galay dalka Rwanda oo ku saabsanaa kobaca iyo horumarka dhaqaalaha Wadamada Afrika.

Guddoomiyaha Guddida ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Ibraahim Kacaan oo isna kulanka Wasiirka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Wasiirku warbixin faah faahsan oo ku saabsan heshiiska Dekadda Berbera uu ka siiyey, isla markaana ay ku qanceen.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo isna dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in Wasiirku warbixin faah faahsan ka siiyey heshiiska Dekadda Berbera, isla markaana uu ka jaahil saaray shakigii ku saabsan heshiiskan.