Somaliland: Ethiopia oo noqotay wadankii ugu horeeyey ee shacabka Somaliland ku hambalyeeya maalinta qaranimadooda 18 May.

0
752

Xukuumada Itoobiya ayaa hambalyo ku saabsan dabaaldega maalinta Qaranimadda 18 May u soo dirtay shacabka Somaliland, una rajeysay inay guulo badan ka gaadhaan mustaqbalka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa, kuna saxeexan yahay Brig Gen. Berhe Tesfay, safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa lagu sheegay inuu hambalyo u dirayo shacabka Somaliland la xidhiidha xuska maalinta qaranimadda Somaliland.

Mr. Tesfay ayaa qoraalkiisa ku yidhi, “Waxaan u rajeynayaa shacabka Somaliland farxad maalinta xuska qaranimadooda 18 May.”

Qoraalka safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa sidoo kale la raaciyey, “Waxaan u rajaynayaa gaadhitaanka guulo badan mustaqbalka.”

Xukuumada Itoobiya ayaa noqonaya wadankii ugu horeeyey ee hambalyo la xidhiidha xuska maalinta qaranimadda 18 May u soo dira shacabka Somaliland.

Dhinaca kale, dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay kala qeybgalaan shacabka caasimada Hargeysa dabaaldega xuska 18 May oo berri ka wada dhici doona wadammo badan oo caalamka ah.

Munaasibadaha xuska maalinta qaranimadda Somaliland ee 18 May oo sannadkan si balaadhan uga xusi doonaan muwaadiniinta Somaliland ee daafaha caalamka ku kala nool magaalooyin gaadhaya lixdan oo ku kala yaal afartan wadan ayey ka qeyb ahaan doonaan banaanbaxyo lagu dalbanayo aqoonsiga Somaliland oo wadamada qaarkood ka dhici doona, waxaanay dabaaldegyadaasi socon doonaan ilaa horaanta bisha June.