Somaliland: Wasiirka Warfaafinta Oo Iska Difacay Eedaymo Musuq-maasuq La Xidhiidha Oo Losoo Jeediyay Kana Dhawaajiyay Inuu Maxkamad La Tiigsan Doono Warbaahinti Qortay

0
759

Wasiirk wasaarada warfafinta Somaliland mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid ‘Cadaane” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa markii u horeysay iska difaacay eedaymo musuq-maasuq oo lagu soo eedeeyey oo la taxaluqda inuu musuq maasuqay lacagtii loogu talagay xuska 18-may  isla markaana ay warbahinta qaar qoreen.

Waxaana wasiirku uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo sal iyo raad toona aan lahayn isla markaana lacagta loogu tala galay in wasaarada warfaafintu kaga qayb qaadato xuska 18-may ay gacanta ku hayso  wasiir ku xigeenka wasaarad warfaafinta Somaliland marwo Shukri, waxaana wasiirku uu carabka ku dhuftay in warbaahinta daabacday warkaas uu maxkamad la tiigsan doono.

Wasiir Cadaani oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi.

“Waxaan shacabk Somaliland u sheegayaa wax ale waxii warbaahinta qaar ku qornaa wax ka jiraa ma jiraan,dhaqaalaha Somaliland waxi logu talagalay wasaarada warfaafinta inay 18-may ku maamusho waa wax yar nagumana filna,wasaarad ahaan,lacagtaana wasiir ku xigeenka aya gacanta ku haysa waxaana maalintii aan wasaarada imi aan balan qaaday in waxii lacaga ee wasaarada soo gaadha ay laba midkood galayso ,in qalab lagu tayaynayo wasaarada warfaafinta losoo siiyo iyo in dig galayso shaqaalah wasarada warfaafinta ka shaqeeya ee mudan in la tayeeyo”Sidaas ayuu yidhi wasiir Cadaani.

Wasiir Cisman Cabdilaahi Saxardiid Cadaani isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray.

“Kuma faanee sida rag sheegayeene ani alxamdulilah Ayaan taaganay lacagna uma bahni kuwo qorayna iyaga cadayn doona oo maxkamada jamhuuriyada Somaliland ka hor cadayn doona aniguna ma ihi dadka yidhaa hala xidhee wxa weey nidaamk maxkamada hasoo maraan oo hasoo cadeeyaan waxii jira laakiin suurta gali mayso telefeeshin ama jaraa’id inta uu qofka iska caayo magaciisa iyo sharaftiisa dabadeedna ku nabad galaya dalkuna nidaam iyo maxkamado ayuu leeyahay kuwaasaa lagu kala baxi”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Cadaani.

SI kasteba ha haatee hadalkan kasoo yeedhay wasiirka warfafinta Somaliland ayaa kusoo beegmaya kadib markii ay warbaahinta qar qoreen warar sheegaya in wasiir cadaani musuqmaasuq kula kacay lacag loogu tala galay in wasaarada warfaafintu kaga qayb qaadato xuska 18-may ee fooda inagu soo haya.