Somaliland: Wasiir Waran-cade Oo Hay’adaha Amaanka Ku Amray Inay Heegan Culus Galaan Xuska18-May Awgeed

0
752

Wasiirka wasarada arimaha gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Waran –cade ayaa hay’adaha ka shaqeeya amaanka dalka ku amray inay heegan culus galaan u diyar garowga xuska qaranimada Somaliland ee 18-may.

Waxaana hay’adaha amaanka ku adkeeyey inay la shaqeyaan cuqaasha,waxgaradka iyo ardayda dugsiyada iyo  jaamacadaha wax ka barta si ay ula shaqeeyaan isla markaana ay ula kaashadaan.

Awaamiirta Wasiir Warancade faray hay’adaha amaanka ayaa xogahu raaciyeen inay ku jiraan la socodka dhaqdhaqaaq kastoo lagu khalkhalgeliyo ama ka horimanaya nabadgelyada dalka wakhtigan loo diyaargaroobayo munaasibadda 18 May oo maalmo kooban innaga xigaan.

Ugu danbaynti wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamada dalka ay heegan culus galeen si ay u ilaaliyaan amniga iyo xasiloonid dalka Somaliland, iyo waliba in shacabka Somaliland si wadininimo leh ay u muujiyan dareenkooda xuska qaranimada Somaliland iygoo ku naaloony amni iyo xasulooni.