Somaliland: Xubno Waddaado Ah Oo Ciidanka RRU-du Shalay Gelinkii Hore Ku Qab-qabteen Magaaladda Boorama.

0
750

Ciidamada Amniga ee la dagaalanka argagixisada ee RRU ayaa shalay gelinkii hore hawlgal ay ka sameeyeen badhtamaha magaalada Boorama ku qab-qabtay dhawr Waddaad oo ka mid ah culimada diinta.

Hawgalkan oo 11-kii duhurnimo waqti ah dhacay, ayaa sida aanu ka soo xiganay wargeyska Saxafi waxaa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen Afar illaa Shan xubnood oo ka mid ah koox wadaaddo ah oo wakhtigaa ku sugnaa maktabad iyo goob ganacsi oo maktabadda ku xigtay.

Ilaa imika ma cadda sababta loo qab-qabtay wadaadadan, hase yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in wadaadadaasi looga shakisan yahay inay martigeliyeen culimo aan haybtooda la garanayn oo ay ciidanka RRU-du ku raad-joogeen, laguna xidhiidhinayo inay gacansaar la leeyihiin kooxaha dagaalka kula jira dawladda itaalka daran ee Soomaaliya.

Ma cadda in wadaadadaasi loo soo qaaday dhinaca Hargeysa iyo in weli lagu hayo saldhigga Booliska ee magaalada Borama oo markii hore la geeyey.

Guntii iyo gabogabodii, laamaha amaanku illaa hadda kama ay haddal dhacdadan, balse tibaax ayaa sheegaysa in xubnaha la xidh-xidhay ay ka mid yihiin rag ka tirsan ganacsatadda hoose ee magaalada Boorama.