Somaliland: “Waa Inaynu Wax Ka Baranaa Horumarka Ay Taiwan Ku Samaysay Bilaa Aqoonsiga” Cabdikariim Axmed Mooge

0
798

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah  xubnaha u ololeeya la dagaalanka qabyaalada ayaa ka hadlay dedaalka ay rubuc qarnigii tagay sameeyeen shacabka Somaliland.

Cabdikariim Axmed Mooge oo qoraal uu ku baahiyey bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook kaga hadlay arimahaasi iyo kuwo kale oo aad u xiiso badan ayaa waxa uu ku bilaabay sidan;

“Shacabka Somaliland way u samreen aduunka iyo gaar ahaan Africa oo ka duudsiyay Somaliland aqoonsi, shacabka Somaliland rubuc qarni ayay dadaal iyo adkaysi ku soo gadheen halkan ay maanta joogaan Somalilandna ka dhigeen dawlad dimuqraadi ah oo shaqayneysa oo lagu majiirto nabad iyo doorashooyin xor ah oo xalaal ah oon badi ka dhicin wadamada Africa, lakiin taasi wali ma soo jeedin indhihii caalamka haday soo jeedisayna kumay dhiiran in ay aqoonsadaan Somaliland.

Aduunyadani waa mid laga maamulo meelo ay ka midyihiin Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Jamaacada Carabta ama Midowga Yurub ilaa aad soo gaadho ururka yar ee loogu yeedho IGAD, Golayaashanina maha golayaal lagu dhagaysto codadka wadamada dulman sida Taiwan,Somaliland,KOSOVO,Abkhazia,Novorossiya, Northern Cyprus, Sahrawi Republic, South Ossetia,Tibet iyo qaar kaloo badan. Wadamadan sideena la dulmay qaar baa dadaal iyo isku-tashi meel sare ku gaadhay sida Taiwan oo maanta ah wadan aduunku ogyahay jiritaankiisa waana in aan wax ka baranaa Taiwan horumarkaas ay ku samaysay bilaa aqoonsi.

Rubuc qarniga tagay waxaan ku sagootiyaynaa xasuusta in aduunku ina hagraday oo duudsiyay xaqii ay Somaliland u lahayd in la aqoonsado. Rubuc qarniga soo socdana waa in aynu dadaalkeena isugu geynaa in aan dalkeena gaadhsiino guulo aduunka ka yaabiya oo fajac ku noqda aduunka! waanan samayn karnaa oo waan u haynaa dhaqaale guullaha lagu sameeyo siduu Mahamed Hashi Ilmi ku sharaxay qoraalo badan oo ana ka dib markaan akhriyay aan ku qancay.