Somaliland: Shirkad Shiine Ah Oo Bilaabaysa Korontada Cadcadeeda Laga Dhaliyo Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
701

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa magaalada Hargeysa ka bilaabaysa dhawaan korontada qoraxda ku shaqaysa.

Shirkadan oo dhawaan ka soo guurtay magaalada Lascanod ka dib markii ay dadka deegaanku ku kaceen, ayaa ku hawlan dhaqaajinta qorshaheeda magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanay dawladda Somaliland ka qaadatay liisanka ay shaqada ku bilaabaysa.

Lama garanayo tayada qalabka qoraxda qabanaya iyo weliba cimriga uu sii jari karo qalabkani, lagumana samayn wax tijaabo ah.

Dad aqoon u leh korontada qoroxda laga dhaliyo, ayaa sheegay in qalabka iyo shirkadda oo aan lagu samayn tijaabo iyo hubini ay sababi karto in dadku marka dambe ka aamin baxaan shirkado kale oo dalka keena qalabkan, waxaanay dadkan aqoonta u lihi ugu baaqeen dawladda Somaliland in la iska hubiyo shirkadan oo ay sheegeen in laga soo caydhiyay magaalada Lascanod ee gobalka Sool.

Waxa dadka reer Somaliland hore u dhibaateeyay shirkado magac u yaal ah oo ka urursaday lacago badan, kuwaas oo markii ay lacagtii ku urursadeen ujeedooyin kala duwan la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.