Somaliland: Sheekh Aadan Siiro Oo Ka Hadlay Heshiiska Dekeda Berbera

0
827

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay kaalinta Dekedda Berbera kaga jirto Horumarka dhan walba leh ee Somaliland iyo heshiiska Maalgelineed ee Xukuumaddu kula gashay Shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay.

Sheekha oo Khudbaddii Shalay ee Jimcaha kaga hadlay Arrintan, ayaa tilmaamay in Dekedda Berbera tahay halka uu ka soo baxo Mushaharka Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland iyo Cashuuraha kale ee Dalku ku socdo, sidaa daraadeed ay muhiim tahay in Shacabka loo soo bandhigo heshiiska lagula galay Shirkadda DP World, si Bulshadu ugu kalsoonaato in Heshiiskaasi yahay mid aan waxba yeelayn doorkii Dekeddu kaga jirtay Dalka.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi,

“Inkasta oo aanan Weli helin Heshiiska waxaan si kooban uga hadlayaa inay tahay inaynu digtooni ka gello wax kasta wax yeelaya Dalka. Somaliland kheyraadka keliya ee ay leedahay ee Ciidamada Laga Masruufo, Cashuurtu ka soo baxdo, Dawladnimada aynu Maanta haysanno, Baabuurta Cadcad, Guryaha dhaadheer iyo Carruuraha ay Maraykanka u diraan kuwa Dalka Maalayaa Waa Dekedda Berbera (Meesha Dhaqaaluhu uga soo baxo).”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay inay Muhiim yahay in la xidho Biyaha Roobka, si Mustaqabalka looga faa’ideysto,

“Damaca aynu ka hadlaynaa waxa weeyaan waa inaad iska jeclaato wax Aanad Sababtiisa la imanin. Dal Barwaaqo ah oo ILAAHAY dhigay waxyaabaha Lagu dagaalamo ayuu ina dhigay, Dad yar buu ILAAHAY ina siiyey, marka tiradooda la eego, Goobaha Shidaalku ku jiro ee la yaqaano waa 9 ILAAHAY uun ogyahay waxa ku jira, keydadka kale ee Macdanta waynu leenahay, waana la hayaa iyada oo qoran oo Cilmi baadhis lagu sameeyay, waxaynu nahay Dalalka ugu badan ee heli kara Biyaha ugu badan Adduunka, laakiin Mushkiladda ina haysataa waa Caqligii aynu ku hanan lahayn Biyaha uu ILAAHAY ina siiyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Maalmahii ina dhaafay Roobabkii da’ay haddii la xidhi lahaa Hargeysa oo keliya waxay ku filnaan lahaayeen 10 Sannadood, waxa xidhayaana waa 3 Milyan oo dollar, waa waxaa uu Wasiirkeena Arrimaha Dibaddu uu lahaa Waxa lana siiyey Xaqul-qalin Dhowr iyo Toban Milyan ah. Dalkani waa Qani ee hoggaankii baa ka leexday, Hoggaanku Maaha 250 Qof ee aan Cidna xisaabin karin.”

Sheekhu wuxuu Dawladda kula taliyey in Ummadda loo soo bandhigo Heshiisyada ka Dekedda Berbera ka mid yahay,

“Waxaanu leenahay Wixii Ummadda ka dhexeeya ha loo soo bandhigo, Heshiisyada aad gelaysaan ee Mustaqbalka Ummadda saamaynaya waa inuu soo maraa Dadka Aqoonta leh ee waxaa bartay, xitaa miyey inagu qaadato Boqol kun oo dollar oo looyarada qaarkood la siiyo, marka aynu heshiisyada qaarkood gelayno hadday aqoonteena dhaafsan tahay waa inaynu kala tashanno Dadka Dalkeenana Daneynaya, aqoon badana leh, xidhiidh wanaagsan inaga dhexeeyo, si aynaan u jabin.”ayuu yidhi,

waxaanu intaa sii raaciyey oo uu Xukuumadda ku dhaliilay inay maareyn kari la’dahay Sarifka Lacagta Doollarka oo mar walba ka sareeya Shilinka Somaliland, “Yaa Horumar ka hadlaya, Doollarkii aynu lahayn (Miisaaniyadda) oo 300 oo Milyan ah ayaynu Kaashkii ilaalin kari la’nahay, oo Dawladda Maanta jirtaa ku fashilantay inay Lacagta Ummadda u ilaaliso oo Carruurtii badaha ku dhimanayaa, iska daa’ wax kale oo ay keento’e.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in Dalku u baahan yahay Hoggaan Toosan oo Caqligu shaqeeyo, waxaanu yidhi,

“Waxaynu u baahan nahay Talo badan, waxaynu u baahan nahay Hoggaan toosan, waxaynu u baahan nahay in Caqligu shaqeeyo oo aanu Hungurigu shaqeynin. Qofku markuu ku arko Adigoo Hantidii Boobaya, Qofku markuu ku arko Adigoo dhinac ka raraya, Qofku markuu Arko adigoo qandaraasyada Gaar u qaadanaya oo wax kastoo aad qabanayso aad jeebadda ku ridaneyso siduu ugu kalsoonaanayaa Heshiiska aad la gasho. Hoggaanka jiraa waa inay Dadka Kalsooni ku abuuraan,  waar Dadku Markay arkaan Adiga oo hantidii Ummadda boobaya, siday ugu Kalsoonaan karaan Heshiisyada aad gashaan.”