Somaliland: “Wada Hadaladan Somaliland Iyo Somaliya, Wixii Loo Baahnaa In Laga Wada Hadlo, Lama Soo Dhigin Miiska, Waxa Lagu Meeraysanayaa Qodobo Aan Daruuri Ahayn”

0
662

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in ilaa hadda qodobo lagu qanco oo ka soo baxay aanu jirin, isagoo tilmaamay in Somaliland iyo Somaliyaba ku meeraysanayaan qodobo aan muhiim ahayn, waxaanu Somaliland kula taliyay inay abaarto halka loo baahanyahay

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu sheegay inaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ilaa hadda lagaga wada hadal waxyaabihii loo baahnaa iyo arrimihii muhiimka ahaa. Wasiir Cadami oo sidoo kale ka hadlay heshiiska Dekedda Berbera, ayaa ugu horayn isagoo ka hadlaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya wuxuu yidhi  “Somaliland muddo 25-sanno ah ayey dawlad madax banaan ahayd, oo shacabkeeda ayaa isla qaatay inay dib u soo ceshadaan dawladoodii, Madaxweynuhuna wuxuu yidhi haddii ay Somaliland sidaas ahaanayso boqol sanno lagama yaabo inay dib ula midowdo Somaliya, xaqiiqdiina lagama yaabo inay Shacabka Somaliland dib ugu noqdaan Somaliya, balse anigoo ah Wasiir kana tirsan Xukuumadda waan u madax banaanay fikirkayga, in aan cabiro fikirkaygana xor baan u ahay. Wada hadaladan Somaliland iyo Somaliya u dhexeeyey muddada ee soo jiitamaayey ilaa hadda muu midho dhalin, itijaah dhab ah oo laga wada hadlayna muu jirin, wixii loo baahnaa in laga wado hadlo iyo qodobadii muhiimka ahaa ilaa hadda lama soo dhigin miiska wada hadalada, waxa lagu meeraysanayaa qodobo aan daruuri ahayn, oo micno balaadhan lahayn. Qolada Somaliya waxay ku adkaysanaysaa midnimadii inaguna waxaynu doonaynaa inaynu ka madax banaanaano, waxay ahayd in qolada Somaliya soo dhigto miiska wada hadalada sababta ay ku doonayso midnimada inaguna waxa inagu waajib ahaa inaynu miiska keeno sababta keentay inaynu ka go’no ee keliftay inaynu dib ula soo laabano xoriyadeenii iyo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee inagu dhacay, waxa kale oo ahayd inaynu xasuusino inaynu markii hore ahayn dal madax banaan oo xoriyadiisa qaatay 26/6/1960, kadibna dib ula soo laabatay dawladoodii, markaas waxaan soo jeedinayaa in qodobadan yar yar ee mar walba la jabinayo waxba inoo tari mayaane, xaqiiqda aynu kala hadalno Somaliya, oo aynu u sheegno inaynu mar kasta ku taaganahay mawqifkeenii ahaa Somaliland”.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland mar uu la hadlaayey Mucaaradka iyo Muxaafidka wuxuu yidhi “Shirqoolo badan oo Somaliland lala damacsan yahay ayaa jira, cadaw badana weynu leenahay, ee waxaan Muxaafid iyo Mucaaradba leeyahay aynu ilaashano dawladnimadeena iyo qaranimadeena, oo Shacabka ka ilaaliya hadalada hagardaamada ah ee aad isku weeraraysaan, iskana dhawra wixii dhib inoo soo jiidaya,imikana waxa loo dabaal degi doonaa 18-may, ee ka wada shaqeeya sidii magaca Somaliland meel kasta loo gaadhsiin lahaa, ka wada shaqeeya sidii aynaan ula mid noqon lahayn maamulada kale ee Somaliland lagu xumaynayo, Caalamkana tusa waxaynu qabsanay iyo horumarka balaadhan ee aynu ku talaabsanay, halka aynu marayno iyo halka ay Somaliya marayso”.

Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey wareejinta Dekadda Berbera ayaa yidhi “Anigu cimrigayba Dekada ayaan ku soo jiray, waana aqaana Dekadda iyo qiimaha ay leedahay, waxaanan leeyahay Dekadda Berbera lama wareejin, lamana rarin, ee waxay ku taalaa halkeedii, waxaana run ah oo aan la qarin karin in Dekadda Berberi ay tahay Dekad caalamiya, in lagu soo hirto oo la maalgashado waa loo baahan yahay, Dekadda waa la balaadhinaya si ay u yimaadaan Maraakiib badani, badeecado badan ayaa inooga soo degaya, cashuur badan baa inooga soo kordhaysa, shaqooyin badan baa laga helayaa, markaas maaha in hadalo kharaab ah dadka si khaldan wax loogu sheego, Xukuumadduna waxay doonaysaa inay dadkeeda wax u soo kordhiso, ee ma doonayso inay wax ka korodhsato.”