Somaliland: Gudoomiyaha Ugu Mudadda Dheer Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa Waxa uu Si Xun Fashilmay Siyaasadda Wuxuuna Halis KU Yahay Dibmuqoraadiyadda Dalka.

0
790

Soomaalidu been way sheegtaa been se ma maah maahdo,Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo mudaddii 16 sanno ee ugu danbeeyey ku soo jiray siyaasadda Somaliland isla markaana laba jeer ku dhacay doorasho

uu isku soo taagay oo uu shacabka ka doonay inay doortaan balse waxay bulshadu ku diiday isagoo qawlkiisa iyo ficilkeesa is waafajin waayey oo maalinba hadal iyo qawl ku hadla ,iyadoo mar marka qaar uu isaga laftigiisu is duqeeya,ileyn hore ayaa loo yidhi“Qawl nin weyn ka dhacay waa Geed Qolafi  ka dhacday”,ee umaddii reer Somaliland way rumaysan weyday ninkan codka ka doonaya ee hadana maalinba hadal aan loo joogin ku hadlaya,taasina waxay ka mid ahayd arimihii shacabku codkooda u siinwaayeen Faysal Cali Waraabe,hadaba iyadoo waxaasi oo dhami ay jiraan ayuu sanadkii 2012-kii heshiis rasmi ah oo marka xisbiga lagu badbaadinayey la galay garabkii xisbigii faca weynaa ee uu hogaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen hore ayaa loo yidhi Rag qawl baa xidha dumarna meher,heshiiskaasi wuxuu ahaa mid weyn oo umadda Somaliland oo dhami ay markhaati ka ahayn isla markaana wuxuu ahaa heshiis uu xisbigii UCID u horseeday guul in uu ka soo hooyo doorashooyinkii golayaaha deegaanka Somaliland.

Hadaba Rag gar baa kala saarta dumarna jaan,ee heshiiskii weynaa ee la wada ogaa ayuu damcay in Faysal Cali Waraane ka baxo iyadoo muran badan kadib hada gudida diwaan gelinta ururadu ay bilaabeen inay ka gar naqaan kadib markii garabka Jamaal Cali Xuseen ay dacwada u gudbiyeen gudida,Soomaalida ayaa tidhaada lama gano falaadh kugu soo noqon doonta,ee Faysal Cali Waraabe waxa maqal iyo muuqaal intaba laga hayaa isagoo leh murashaxa rasmiga ah ee UCID waa Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen sharci ku noqday heshiiskii aanu la galnay,sidaasi oo ay tahay ayuu hadana Faysal Laftiisi sidii uu horeba isku duqayn jiray yidhi maaha murshax,Soomaalidu waxay casarkii ugu aragto cishihii kugu caydaa ceebta iyo dhaqanka Faysal Cali Waraabe leeyahay waaka noocaasi ah ee umaddu ku aragtay ee lagu aamini waayey in xita codad badan ay siiyaan markii uu umadda laba jeer hor yimid ee uu lahaa walaalayaa ii doorta kitaabka Alle ayaan idinku dhaqayaaye.

Ugu danbeyntii Faysal Cali Waraabe wuxuu halis iyo dhaawac xun ku yahay nidaamka dibmuqoraadiyadda ee Somaliland ka hirgalay,wuxuu sumcadii iyo karaamadii ka qaaday hanaanka xisbiyadda badan iyo is aaminka bulshada dhexdeeda,wuxuu kalsooni daro weyn ku riday beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta hanaanka dibmuqoraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah,waxana waajib ah in umadda Somaliland iska qabato Faysal Cali Waraabe oo meel looga soo wada jeesto nidaam xumadiisa iyo kharibaadda uu ku hayo hanaanka wanaagsan ee xisbiyadda iyo dibmuqoraadiyadda.