Somaliland: “Ma Jiro Wax Maamul Hawda Ah Oo Lagu Wareejiyey Dawladda Soomaaliya” Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Duulista Somaliland.

0
877

Wasiirul dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Axmed Nuur Faahiye ayaa maanta shir jaraa’ id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu ku beeniyey in aanay jirin Qalab Hawada Guud ee Somaliya lagula wareego oo la siiyey Wadanka aynu jaarka nahay ee Soamliya

Balse waxa  u sheegay in ay jiraan  Qalab loogu talo galay la socodka Saadasha Hawada (Metrology) oo ay siisay “ICAO” dalkaasi madaarada Somaliland ay u soo wado.

Wasiirku isaga oo Arimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi:- “ Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalliya waxaa laga maamulaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, iyada oo la soo Wareejin doono marka Somaliland iyo Somaliya Heshiis ka wada gaadhaan arintaas”.ayuu yidhi  wasiirul dawluhu

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi  ” sida ay cadaysay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabisan Hawada “ICAO”, hal dhinac oo kaliya laguma wareejin karo Hawada, maadama laga hortagayo khalkhal amni iyo in ay carqaladi timaado, Qaramada Midoobay, Dalalka Jaarka ah iyo Aduun wenu huba waxay doonayaan in Hawada Somaliland iyo Somaliya ay noqoto mid nabad ah oo la isku halayan karo, taasina waxay ku imanaysaa heshiis laba geesood ah oo ay wada gaadhaan labada Dawladood, kumana imanayso in hal dhinac isku koobo Maamulka Hawada.”

Wasiirka oo sharaxaad ka bixinaaya Qalabka la geeyay Somaliya ee ay geysay “ICAO” ayaa waxa uu yidhi

“ Qalabka Saadaasha Hawada (Metrology) ee la geeyay Muqdisho, waa Qalab loogu talo galay Saadasha Hawada iyo Cimilada, Qalabkan mid la mid ahna  waxa uu u soo socda oo la keenayaa Madaarada Somaliland ee Hargaysa iyo Berbera dhawaan, waana qalab caawinya hawalaha Shaqada ( Operation ) ee Madaarada Guud ahaan.”

Ugu danbeyntuu wasiirka ayaa waxaa  uu fariin u diray Warbaahinta Somaliland, waxana uu yidh

“Warbaahinta Somaliland waxaanu u sheegaynaa in ay ka waantoobaan fidinta iyo faafinta Wararka ka dhanka ah Qaranimada Somaliland ee ka soo yeedha Masuuliyiinta Somaliya iyaga oo aan hubsan, waana in ay ku shaqeeyaan dareen Wadaniyadeed” ayuu hadalkiisii ku soo koobay wasiir Axmed Nuur Faahiye