Somaliland: “Maayarku Rer Buu Maayar U Yahay , Hargeysina Laba Maayar Ayey U Baahan Tahay ” Siyaasi Cali Curi

0
901

Siyaasi Cali Curi ayaa waxaa uu  sheegay in maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco uu rerka uu ka soo jeedo u yahay Maayar isla markaana degmooyinka kale ee magalada Hargeysa aanu waxba u qaban

Sidoo kale  waxaa uu  sheegay mar hadii magaalada Hargeysa laga dhisaayo laba Garoon ku badeed aanu jirin wax u diidaya in ay yeelato laba maayar waxaana hadaldiisii ka mid ahaa

” Magaalada Hargeysa kol hadii laba Stadium iyo laba madaar loo sameynaayo dee laba maayar ayey u baahan  tahay caqliga  keenay in Stadium ka Hargeysa ee maanta la mid ah kuwa geeska Africa waxaa looga guurey ee Stadium xafadeed loo sameynaayo  waxaan odhan lahaa xaq bey xafadaasi u leedahay  iyo mayarka xafadaas ee u sameynaayba .

Maayarku dee rerkooda ayuu maayar u noqdey oo  uu stadium u sameynaayo   dee wuu  mahadsan  yahay balse waxaa ay ayaan daro ku dhacdey golahan deeganka ee kale  waxaana lagu dhiyaa Stadium kaas hantidii dawlada hoose ee umadu wada laheyd ” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey siyaasi Cali Curi