Somaliland: Xuska 25 Guurada Madax-bannaanida Somaliland Oo Lagu Marti-qaadayo Wufuud Kala Ka Socota Soomaaliya, Kililka Shanaad, Kenya Iyo Jabuuti

0
681

“Car sheega Hees keliya oo Soomaaliya Kaga Hadlayso Soomaali-weyn, ama u Tirineyso Kililka Shanaad ama Jabuuti, Heesihii Kacaanka ayuun bay haystaan..” Faysal Cali Waraabe

Xuska 25 Guurada Gooni-isku-taaga Somaliland oo ku beegan 18-ka Bishan May oo ay innaga Xigto Muddo 10 Maalmood ah, ayaa lagu Casuumayaa Dad badan oo ka kala socda Kililka Shanaad ee Itoobiya, Ismaamulka Soomaalida Kenya, Soomaaliya iyo Jabuuti, si ay goob-joog uga noqdaan Debbaal-degga Xuska 18-ka May.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, Dadka ka socda Ismaamullada Soomaalida Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, ayaa la doonayaa inay arkaan sida Shacabka Somaliland ay ugu weyn tahay Qarannimadoodu, si marka ay Dhulkooda ku noqdaan uga markhaati kacaan waxa Somaliland qabsatay iyo siday lagama maarmaanka u tahay in Madax-bannaanideeda loo hanneeyo.

Guddoomiyaha UCID oo Sharraxaya ujeeddada Dadkaa loogu Marti-qaadayo Xuska 18-ka May iyo inaan Somaliland ahayn Cadowga Soomaaliya, balse ay tahay halkii laga aasaasay  fikirka Soomaali-weyn, ayaa yidhi, “Waxaanu doonaynaa inaanu Soomaalida tusno inaan Somaliland ahayn cadowga Soomaaliya, ee ay tahay halkii Soomaali-weynimadu ka bilaabantay ee bilowday.”

Faysal wuxuu sheegay in markii hore Reer Somaliland ay ka dhab ahayd Soomaali-weynimadu isla-markaana ay Daliil u yihiin Heesaha badan oo Suugaanyahannada Reer Somaliland ku guubaabinayeen Midnimo Soomaali-weyn oo la helo, laakiin Soomaaliya oo Maanta diiddan Madax-bannaanida Somaliland aanay door ku lahayn Fikirka Soomaali-weyn ee Somaliland hadda ka noqotay, “Car wakaase sheega Hees keliya oo Soomaaliya Kaga Hadlayso Soomaali-weyn, ama u Tirineyso NDF, Kililka Shanaad ama Jabuuti. Heesihii Kacaanka ayuun bay haystaan, Qaranimo, Midnimo iyo Soomaali-weyn midna uma heesin, Innagaa u heesnay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markaa haddii ILAAHAY yidhaahdo waxaanu doonaynaa Xuska 18-ka May inaanu tusno, waxaanu dad ka casuumaynaa Kililka Shannaad, NFD, Jabuuti iyo Soomaaliyaba, waxaanu tuseynaa Debbaal-degga 25 Guuradayada, laakiin Siyaasiyiintu kuma jirto.”

Inkasta oo Faysal Cali Waraabe sheegay inaan Dadka la casuumay Siyaasiyiinta Gobolladaasi ku jirin, haddana Waxa hore Warbaahinta guduhu u baahisay in Dawladda Somaliland Xuska 18-ka May ku casuuntay Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.