Somaliland: Xukuumadda Oo Wiish U Dalbatay Baabuur Uu Leeyahay Xildhibaan Reer Hargeysa Ah Oo Tushuush Ku Furay Diwaangalinta.

0
672

Ciidamada booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhigay gaadhi uu leeyahay xildhibaan katirsan golaha deegaanka Hargeysa, kaas tuhun dartii loo xidhay.

Sida ay sheegayaan xogo uu wargeyska Hubaal ka helay xabisaadda ciidamada ammaanku kula kaceen gaadhiga xildhibaanka, waxa baabuurka looga shakiyey inuu qayb ka qaatay babaallo ka dhan ah diiwaangelinta codbixiyayaasha magaalada Hargeysa oo tashuush lagu furay.

Gaadhiga la xidhay oo ah noocada loo yaqaannoNoah-da, ayaa saddex maalmood ka hor baabuur kale oo wiish ah lagaga soo qaaday halkii uu yaallay oo ku taalla xarun uu xildhibaankani ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxana loo qaaday dhinaca taliska guud oo ilaa haatan lagu hayo.

Ciidanka gaadhigaas gacanta ku dhigay, ayaa la sheegay inay daba socdeen baabuur cod-baahiyayaal la saaray oo xaafadda 26-ka June lagu arkay iyagoo dadka u sheegaya warar nashuushad ah oo ay ugu diidan yihiin inay is diiwaangeliyaan, waxana raacadii lagu soo helay baabuurka xildhibaanka oo cod-baahiye laga shakiyey sababta loogu xidhay ku rakiban yahay.

Wararku waxa ay intaas ku dareen in ciidamadu ka hor intii aanay gaadhigaas qaadin ay dhallinyaro goob joog ahayd oo ku sugnay Noaha-dani ay hortaallay ka codsadeen inay u dhiibaan furaha, balse ay ka dhego adaygeen, kadibna taliyihii ciidanka watay uu dalbaday baabuur wiish ah oo markii dambe lagu qaaday gaadhigaas. Baabuurka xildhibaanka, ayaa wali ku eedaysan in loo adeegsaday barobagaandhaha ka dhanka ah diiwaangelinta, waxana loo xidhay baadhitaan arrintaas la xidhiidha, balse wali may soo bixin natiijada baadhistaas laga gaadhay. Ciidamada ammaanka ayaa wali ku daba jira gawaadhi kale oo la sheegayo in xaafadaha lagu dhex wareejinayo, kuwaas oo dadka u sheegaya inaanay isdiiwaangelinin, balse wali lama sheegin wax gacanta lagu soo dhigay.