Jabuuti Iyo Maamuuskii Weftiga Somaliland, Kulankii Siilaanyo Iyo Sh. Shariif, Soo Laabashadii Weftiga Iyo Dib Ugu Duulistii UAE

0
698

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa la faafiyay inay ku kulmeen magaaladda Jabuuti, halkaas oo ay kaga qayb galeen foolladayn wayn oo loo sameeyay Madaxweynaha dalkaa Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad loo doortay hogaaminta Jamhuuriyadda  Jabuuti oo ka mid ah dhul ahaan iyo tiro ahaanba wadamadda dunidda ugu bedka yar, dad ahaana ugu tiradda yar.

Shabakadaha internetka ee wararka af soomaaliga ku baahiya qaarkood sida Boramnews,  ayaa faafiyay in labada nin Sh. Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo  ay ku kulmeen Huteelka la dejiyay ee Kampezki ee magaaladda Jabuuti, hase ahaatee faahfaahin kamay sii bixin waxa ay ka wada hadleen inay lug ku lahaayeen arrimaha siyaasadda iyo in kale, balse waxay weriyeen inay is arkeen. Kulankaa ka sokow, wargayska Geeska oo ka soo baxa Hargeysa ayaa sabtidii faafiyay in xukuumadda Somaliland ku casuuntay xuska munaasibadda 18may, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland Faroole.

Dhanka kale Madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayay ayaa qayb ka ahaa madax badan oo dalalka bariga Afrika iyo meelo kaleba ka kala socotay oo madaxweyne Geelle ku casuumay ka qaybgalka foolladayn shalay loogu caleemo saaray xilka markii afraad loo doortay inuu hogaamiyo jamhuuriyaddaa.  Hase yeeshee hab maamuuska la siiyay madaxweyne Siilaanyo iyo booska laga fadhiisiyay madashii caleema saarka ayaa lagu tilmaamay mid wayd ahaa, isla markaana waxa madaxweyne Siilaanyo la fadhiisiyay meel ay isdhex fadhiyeen masuuliyiinta maamul goboleedyada soomaaliya iyo madax dhaqameed, waxaana isku xigay Ugaaska Beesha Ciise, madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, Jubbaland iyo xubno kale.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay ka soo laabtay safarkaa wuxuu isla shalayba u sii gudbay dhanka Imaaraadka carabta kadib nasasho kooban oo uu ku qaatay madaarka Hargeysa, intii ay u kala wareegayeen labada diyaaradood. War kooban oo madaxtooyadu ka soo saartay safarkiisa Imaaraadka carabtuna wuxuu u dhignaa sidan;

“Madaxwaynaha iyo waftiga la socda waxay bilaabeen qaybtii labaad ee Safarkooda ee  Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana halkaa ku sugaysay  Diyaarad Khaas ah oo uu u soo diray Madaxwayne ku xigeenka ahna, raysal wasaraha Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna xaakimka Dubai Muxamed Bin Raashid Al-Maktuum.

Safarkan oo la filaayo inuu maalmo qaato, waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, Marwada Kowaad ee qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka kulmiye ahna Musharaxa Xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali, iyo Xoghaynta Marwada Sabaax Cali Diiriye, iyadoo ay hore u sii joogeen imaaraadka, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Mudane Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor).