Go’aamadii Ay Soo Saareen Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Iyo Hawada Iyo Maamulka Madaarka Cigaal Oo Noqday Kuwo Ma Dhalays Ah

0
709

Go,Aamadi Ay Soo Saaran Oo An Laha Soo Qaadin Ba,anaba Iyo Wasiiro Badan U Is daba Yaacaya U shuruudi Bacada ka furay + muural jabka Masuuliyiinta Duulista Iyo Hawada

Masuuliyiinta wasaarada duulista iyo hawada Somaliland iyo maamulka madaarka cigaal internation oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa waxay ka dhawaajiyeen inay amar kasoo saareen madaarka iyaga oo sheegay inaanay jirayn masuul danbe oo lagu soo dhawayn doono madaarka laguna sii sagootin doono.

Waxaana ay masuuliyiintani sheegen nay madaxwynaha warqad u gudbiyeen uuna ka aqbalay iyaga oo sheegay inaan macal madaxwaynaha lagu soo dhawayn doonin laguna sagootiyo doonin, balse arinkaasi iyo go’amaada ay oo saaraan masuuliyiintani ayaa noqday kuwo madhalays ah oo aan hir galin muddo todobaad ah kadib.

Waxaana go’aamadaa ay soo sareen masuuliyiintu ay la xidhiidhiyeen arimo amni dartood, waxaaa maalintii shalay garoonka diyaaradaha kasoo dagay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “siilaanyo” iyo wafti uu hogaminyo oo kasoo duulay dalka jabuuti kana qayb galay caleemo saarka madaxwaynaha jabuuti oo markii afaraad ku guulaystay madaxtinimada dalka jabuuti.

Waxaana markii ay watigani kasoo dageen madaarka kusoo dhaweeyey masuuliyiin fara badan oo hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilahai Ismaaciil “saylici” iyo masuuliyiin kamida golaha wasiirada, xildhibaano iyo masuuliyiin kale, waxaana madaxwaynuhu saacado kooban kadib uu markiiba ka duulay madaarka isaga oo u duulay dalka imaaradka carabta oo uu u tagayo arimo la xidhiidha dekeda magaalada berbera.

Si kasteba ha ahaatee masuuliyiinta madaarka ayaa iyagu go’maadi iyo amaradi ay soo saareen ee ay ka dhawaajiyeen inaan masuul danbe iyo madaxwaynaha tona madaarka lagu soo dhawaynayn laguna sagootiyayn ayaa noqdo go’aamo hal bacaad lagu lisay ah oo aan hirgalin isla markaan dhabarka ka jabinaysa go’aamadii ay soo saareen masuuliyiintu ee ay sheegeen inay mamnuuceen soo dhawaynaha iyo sii soogotimaha masuuliyiinta kala duwan.

swiradan waxay qayb ka yihiin soo dhawayntii shlay madaarka loogu sameeyey madaxwaynaha somaliland iyo waftigii uu hogaaminayay

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????