Somaliland: Xafladdii Caleemo-saarka madaxweynaha Jabuuti oo si toos ah uga socota Dalkaasi iyo qaabka loo fadhiisiiyey martida

0
881

Dalka Jabuuti waxa ka socota xaflad balaadhan oo mar sadexaad loogu cumaamadayo Madaxweyne Ismaacii Cumar Geelle oo ku guulaystay doorashadii u danbaysay ee bil ka hor ka qabsoontay Dalka Jabuuti.

Xafladda waxa lagu martiqaaday Madaxweynayaal kala duwan kuwaas oo hab-maamuus heer sare ah loogu sharfay madasha, iyadoo hoolka xafladdu ka socoto uu yahay mid jawi fiican oo agaasimay.

Muuqaaladda xafladaasi oo waaheen si toos ah loogu soo gudbinayo waxaad ka daawan kartaan hab-maamuuska la kala siiyey marti-sharafta ka kala socoto dalalka saaxiibada la ah Dalka Jabuuti, waxaanay u muuqdaan laba qaybood.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka dhex muuqda safka labaad isagoo dhawr qof ay u dhaxeeyaan C/wali-ga Puntland, halka Madaxweynaha Somaliya la fadhiisiiyey safka kale ee ay Madaxda Afrika fadhiyaan.

Labada sawir ayaa muujinaya farriinta Ismaaciil Cumar Geelle u dirayo dunida taasoo ah in Xasan Sheekh yahay Madaxweynaha Somaliya, dhinaca kale-na Maamul Goboleedyada.