Somaliland: “Runtaan Idiin Sheegayaaye Haddii Wefti Somaliland Ah [Dibada] Loo Dirayo Way Foolxun Tahay In Afar Nin Oo ISAAQ Ahi Isdaba Socdaan, Laakiin Waa In La Isweydiiyaa…..”

0
853

Prof. Samatar Oo ku Baaqay In Hoos Loo Dhigo Tirada Xubnaha Golaha Guurtida, Saluugna Ka Muujiyey Habka Loo Xulo Wufuudda Somaliland Metesha Ee Dibadaha Loo Diro

“Anigu Waxan Odhan Lahaa Golaha Guurtidu Haddii Ay Ugu Bataan 30-Xubnood Hallaga Dhigo, Waana In Hadraawi Oo Kale Lagu Daraa”-   Prof. A. Ismaaciil Samatar

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanada reer Somaliland ee dalka dibaddiisa ku nool, ayaa ka hadlay xaaladda dalka, waxana uu hogo tusaaleeyey habka lagaga bixi karo gol daloolooyinka haatan jira. Professor-ka oo arday reer Somaliland ah oo dalka Ethiopia wax ka barata su’aalo la wadaagay, ayaa ugu horrayn soo bandhigay hannaan lagu soo celin karo sumcaddii ay hore u lahaan jireen golaha guurtida Somaliland, waxana uu sheegay in baahi loo qabo yaraynta tirada xubnaha guurtida,

“Anigu waxan odhan lahaa golaha guurtida 12-xubnood hallaga dhigo oo hallaga daayo anigana igu daradan iyo dhaxalkan aynu ka dhignay, haddii ay ugu bataanna 30-xubnood hallaga dhigo, waana in Hadraawi oo kale lagu daraa” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar. Prefosor-ka oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhallinyarada wax baratay usoo jeediyey inay doorkooda qaataan, isla-markaana xubnaha dhaqanka bulshada ku magacaaban tilmaamo siiyaan, waxana uu yidhi, “Dadka wax bartay ee adduunka fahamsani waa inay salaadiinta iyo cuqaasha meeshii ay ku haboonaayeen ku riixaan oo aanay iyaga talada ka sugin”.

Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu nasiib darro ku tilmaamay inaan baahi loo qabin inaan laga fiirsanin hannaanka loo xulo wufuudda Somaliland dibadaha u dirayso,“runtaan idiin sheegayaaye way foolxun tahay haddii wafti Somaliland ah la dirayo oo afar nin oo isaaq ahi isdaba socdaan, laakiin waa in la isweydiiyaa waftiga caynkaas ah baynu diraynaaye umaddeenii ballaadhnayd waa inay iska dhex arkaan” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar. Waxa uu si weyn u ammaanay madaxweynaha Somaliland,

waxana uu dadka ugu baaqay in ixtiraamkiisa la kordhiyo xilliga uu xilka ka dago, waxana uu yidhi,“Madaxweynaha intaa xilka uga hadhay aynu si fiican u ixtiraamno, marka uu shaqada ka nastona aynu kasii badino, maantana qof soomaali ah oo nool oo dawladnimada sida looga shaqeeyo ka yaqaanaana ma jiro.”