Madaxwaynaha Somaliland Oo Jabuuti Kula Kulmay Madaxwaynihii Hore Ee Soomaaliya.

0
717

Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku jooga wadanka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo kan Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

 

Labada dhinac ayaa waxay ku kulmeen hotelka Kamdiski oo ay kawada deggan yihiin magaalada Djibouti waxaase la garanayn waxyaabihii ay ka wada hadleen oo aanan si cad loo helin.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan kale oo ay albaabada u laaban yihiin waxaa uu Kambiski Hotel uu kula yeeshay madax-weynaha Maamul goboleedka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas wax yar un kadib markii uu gaadhay magaaladaas Jabuuti ee Wadanka Jamuuriyadda Jambuuti .

Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu caasimadda Djibouti uu u tagey sidii uu Axadda maanta  ah uga qeyb geli lahaa caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadad Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynihii Hore Shariif Axmed ayaa maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Abu Dhabi ee xarunta wadanka Isu-taga Carabta, ayaa habeenkii Jimcaha uga sii tallaabay dalkaasi Jabuuti.

Hoggaamiyihii hore ee Soomaaliya waxaa garoonka Djibouti kusoo dhaweeyay wasiiro iyo xildhibaano katirsan xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle.

Iyadoo la hadal hayo in Shariif Sheekh Axmed uu sanadkan yahay musharax u taagan madaxtinimada dalka soomaaliya .

Dhinac kale sida ay baahisay warbaahinta gudaha Somaliland Xuska qaran ee 18ka- May , 2016 ayaa lagu casuumay Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole oo khudbado dhaadheer ka jeedin doona.

Shariif Sheekh Axmed ayaa xilka madax tinimada dalka ku wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud markii uu kaga guuleystay tartankii doorashada madaxtinimada Soomaaliya 10-kii bishii September 2012 ka dhacday Magaalada Muqdisho.