Somaliland: Xukuumadda Oo Dhengad Cadawga Somaliland Adeegsanayo Ku Tilmaamtay Wadaado reer Hargeysa Ah Oo Weedho Xanaf Leh Ku Xajiimeeyey Tirakoobka Maroodi-jeex

0
122

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Oo Bulshada Gobolka Maroodijeex Ku Boorriyay In Ay Si Weyn Uga Qayb Qaataan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

“Qaar Doc-ka-yeedh Ah oo U Adeegaya Cadawga Somaliland Baa Bulshada Kusoo Dhex-tuuray Hadal Shuqulu-sheydaan Ku Tilmaamay Diiwaangelinta”

+++++

“ Waa La Ogaa In 80 Sanno Uu Ingiriisku Inna Haystay Oo Mustacmaradiisii Madaxa Inagaga Fadhiday Aynu Iskaga Kicinay Warqaddii Foodka Ee aynu Ku Ridnay”

“Dadkaas Waxaanu U Aragnaa Kuwo Ummada Iska Hor-keenaya, waxaanu Leennahay Khilaaf Iyo Khal-khal Ha Abuurina Ee Ka Daaya Ummada”

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda reer Somaliland gaar ahaana kuwa nool gobolka Maroodijeex in ay si weyn uga qayb qaataan qaadashadda kaadhka diiwaangelinta codobixiyeyaasha eek a socota gobolka Maroodijeex iyo degmooyinka hoos yimaadda. Waxaanu wasiirku u soo jeediyay kuna booriyay dadweynaha in aan dheg jalaq u siin hadaladda doc-wareenka ah ee dadka ku soo dhextuurayaan shaqsiyaad uu sheegay in ay dano gaar ah leeyihiin, isla markaana ay ka soo hor jeedaan horumarka iyo maslaxadda umadda. Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu khamiistii shalay ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargaysa, iyadoo shirkaasi jaraa’id ay ku wehelinayeen qaar ka mid ah culimadda waaweyn ee dalka. Waxa uu sheegay wasiirku in habka keliya ee nidaamka dalka lagu kala wareejin karaa uu yahay mid doorasho, isla markaana ay doorashadu tahay dariiqa qudha ee lagaga hor-tegi karo in dalku uu khal-khal iyo amni daro galo. “Dadka qaar ayaa la leeyahay, iyagoo doc-ka-yeedh ah in ay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ku tilmaameen wax aanu sharciga islaamku banaynin, ama ay ku sheegayaan shuqul shaydaan. Waxaanu ugu baaqaynaa dadka waxaasi bulshadda ku soo dhex tuuraya, walaalayaal ka daaya bulshadda khilaaf iyo khal-khal haku abuurina. Waxaanu u aragnaa arrintaasi in ay tahay mid umadda iska hor keenaysa, waxaanu u aragnaa in ay tahay mid u adeegaysa cadowga Somaliland”. Sida aynu ka war-hayno xiligii asxaabtii Rasuulka SCW, kadib waxaa jirtay in ay doorasho ka dhacday, ama mid kooban ha noqoto oo ay ku tartameen dhawr qof oo xadidan, oo dhawr uun loo ban-dhigayay, ama ha noqoto mid ay asxaabta qaarkood inta ay dhex mareen dadweynaha, ay waydiiyeen hebel ka warama, dabadeed-na ay afti dhan soo qaadeen” ayuu yidhi wasiir Khaliil. Dhinaca kale, wasiirka Khaliil ayaa ugu baaqay dhamaanba imaamyadda masaajidadda dalka in ay khudbadda salaadda Jimcaha ee berri ay kaga hadlaan muhiimadda iyo faa’iidadda ay dalka iyo dadkaba u leedahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ay bulshadda ku booriyaan qaadashadda Kaadhka codbixinta, una iftiimiyaan sida aanay diinta Islaamka iyo diiwaangelintu is-kaga hor imanaynin. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan farayaa dhamaanba Imaamyadda masaajidadda dalka, gaar ahaana masaajidadda caasimadda Hargaysa, in ay berito oo Jimce ah khudbadaha ku soo qaadaan, kagana hadlaan arrinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ay umadda ku booriyaan muhiimadda iyo faa’iidadda ay dalka iyo dadkaba u leedahay. Una sheegaan dadka baahidda loo qabo in la is-diiwaangeliyo iyo wanaaga ku jira, lagana hor tago wax alla wixii khal-khal gelinaya am aka hor imanaya, diiwaangelinta codbixiyeyaasha qaranka Somaliland ee lagu qaadanayo kaadhka codaynta”. Sidoo kale, waxaa isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Nuur Cismaan Guuleed, ayaa ku canaantay bulshadda ku nool gobolka Maroodijeex sida habac-sanaanta iyo teel-teelka ah ee ay u qaadanayaan kaadhka codbixinta. Waxaanu tilmaamay in marka ay diiwaangelintu dhamaato ay goboladda dalku ku tartamayaan tiradda dadka degan ee khaadhka qaatay, isla markaana gobol kasta tiradda dadka iska diiwaangeliyay wax-qabadkiisu ku xidhnaan doonno. Waxaanu yidhi “Bulshadda ku dhaqan gobolka Maroodijeex, waxaan leeyahay waxaad tihiin dadkii dadweynaha goboladda kale hor-kici lahaa, dawladnimadda dadkii hor-kici lahaa ayaad tihiin, dadkii dalka hagaajin lahaa ayaad tihiin, laakiin haddii aad garan waydaan-ba dawladnimadii waa ayaan darro, idinkoo weliba caasimadii dalka ah. Waxaynu inta badan sheegnaa, oo ay dadkeenu yidhaahdaan marka ay isku faanayaan, gobol kasta tirro intaa le’eg ayaa ku nool, kaa kale intaa ayaa ku nool, intaas ayaanu nahay, tiradayadu waa intaas. Markaa Hargaysa miyay ka cabsootay in tiradda dadkeedda la ogaado? Iyadaaba caasimadii dalka ah oo aanu u tirinaynay in dadkeedu ay badan yihiin”. Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Sheekh Axmed Dhinbiil oo ah agaasimaha waaxda Fatwadda ee wasaaradda diinta iyo aw-qaafta, isla markaana ka mid ah dadkii u soo joogay arrimaha doorashooyinka ilaa xiligii hal-ganka lagula jiray bixitaankii gumaystihii Ingiriiska, isagoo tusaale u soo qaatay qaabkii dalka lagaga saaray Isticmaarkii Ingiriiska oo ahayd in dadweynuhu isku raacay in uu dalka ka baxo. “Waala ogaa, oo 80 sanadood ayuu ina haystay Ingiriisku, dadku way ka dam-qadeen mustacmarkii haystay ee madaxa kaga fadhiyay, markaa waa la isku tegay oo waxa la isla qaatay aynu iska ridno. War-qadii foodka ee aynu ku ridnay ayaa Ingiriiskii inaga kicisay, Rasaas ama Xabad Ingiriiska kumaynaan kicin, wax kalena kumaynaan kicin, laakiin codkii aynu ku ridnay ee la isku raacay, ayaa keentay in uu Ingiriisku dalkeena ka baxo. Maslaxadda umaddu waxay tahay, ta dadnimadeena iyo dawladnimadeena iyo ta diinteenuba ku jirtaa waxa weeyi in aynu qaadano kaadhka codbixinta”.

Comments

comments