Somaliland: Xildhibaan Dheeg Oo Dadweynaha U Diray Baaq Ku Aadan Diwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex

0
744

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Dadweynaha Gobolka Maroodi-jeex ku dhiiri-geliyey inay Is-diwaangeliyaan, maaddaama oo Gobollada kale ee Dalku is-diwaangeliyeen Xilli ay Abaareysnaayeen.

Xildhibaan Dheeg oo Xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Himilo, ayaa sheegay in Dadka ku dhaqan Degmooyinka Caasimadda, gaar ahaan Maxamuud Haybe ka soo taagan yihiin inay Is-Diwaangeliyaan, iyaga buu yidhi Sabab uga dhigaya inay khasaareen Doorashadii Golaha Deegaanka ee u dambeysay.

Xildhibaanka oo Ammuurahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Xaafaddani (Degmada Maxamuud Haybe) Diwaangelinta aad bay uga soo taagan yahay, Sababtana waxay ku sheegayaan Doorashadii Deegaanka ayaanu ku khasaarnay ayay leeyihiin, kuwii aanu ku khasaarnay oo kale ayuun baad noo soo waddaan bay leeyihiin, waxayna leeyihiin Doorashadaba geli mayno.”

Xildhibaanka, waxa kale oo uu sheegay, “Waxaan Dadka ku dhiiri-gelinayaa inay isi-diwaangeliyaan, Waayo? Doorashada iyo Diwaangelintu way kala duwan yihiin, Hadhow Doorashada Qofku ha diido ama Galo, laakiin Diwaangelin la’aantu innaga dhexdeena iyo Caalamkaba hoos bay inoo dhigeysaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan Leeyahay Gobolladii kale ee Dalku waxay is-diwaangeliyeen iyadoo Abaari Jirto, ee Reer Maroodi-jeexo ma idinkoo Doog jooga ayaad diideysaan Diwaangelinta, waxaan keeyahay Gobolkeena iyo Magaceena ayay Hoos u dhigeysaa ee hala Is-diwaangeliyo.”