Somaliland: Wasiir Caddaani Waxaa Looga Fadhiyaa In Uu U Caddaalad Sameeyo Xuquuqda Shaqaalihiisa Oo Dabaqado Nololeed kala Yeeshay – Qalinkii Maxamed Xasan Faarax

0
791

Waa Wasaarad Shaqo adag u haysa Qaranka,Waa Wasaaradda Jaangoysa Hannaanka War iyo Wacyigelin ee Qaranku u Baahan Yahay,Waa Wasaarad ay ka Shaqeeyaan Ku dhawaad 700 oo Hawl Wadeen,Waa Wasaarad noqotay Mid Dabaqado Nololeed oo kala fog ku Shaqaysa,Waa Wasiirkii Lixaad ee Soo Maray Xayndaabka Wasaaradda Warfaafinta Mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo Xilka hayay,Wuxuu Wasiir kasta oo Wasaaradda Soo maraa Gacantiisa ku Saxeexayay Payroll Caddaalada ka Madhan oo Sed bursi ku Jiro.
Wasiirkii isaga ka horeeyay ee uu Xilka kala wareegay Wuxuu isku dayay inuu Meesha ka saaro Dulmiga Cad ee uu Gacantiisa ku saxeexayo,Wuxuu la Kulmay Carqalado badan inkasta oo dadka qaarkii u arkaan Mid aan Xalka Dhex ka ahayn Sida ay doonto ha noqoto Waxaynu Xukumaynaa Wixii afkiisa ka Soo Baxay Mas’uulka aan ka hadlayaa Waa Wasiir Cukuse,Wuxuu Gudi u saaray inay isa soo Gaadhsiiyaan Shaqaalaha Waxyaabaha la Cuskanayay Waxaa ka Mid ahaa in Laba Qof oo Isku Shaqo qabta in Mid ka Mid ahi uu Qaato Hal Milyan oo Shilling ka Kalena Lix Milyan hada waa isku shaqo ma kala hawl badna mana kala Khibrad yara Waxaa laga dalbaday Gudidaas in Wixii isku Shaqo ah ay isa soo Gaadhsiiyaan,dadka Shaqooyinkooda ka Maqan ee qaata Mushaharka iyo Gunadana waa in laga Jaraa Gunadda Waayo Waxaa Gunadda la isugu Qoraa Sida loo kala shaqo badan yahay balse Halkan oo Wasaaraddii Warfaafinta ah Xaalku sidaa Wuu ka duwan yahay odhan maayo Qabyaalad Maadaama Shaqaaluhu Yihiin Kuwo aan Haybhayb isu kala qaadon Hasa Yeeshee Waxaa Dhaxalkaas Xun ka tegay Mas’uul Weji garanayay Qofka uu Shilimaadka u qorayo oo Qallinkiisu Warqada ku taraaray kana dhigaa Xisaab aan Macquul ahayn oo dhiig bax ku ah dhaqaalaha Wasaaradda.
Wasaaradda Warfaafintu Waxay Weriyeyaal ku leedahay Waddamada Dibada Sida Qaarada Yurub,Maraykanka, Dalal ka mid ah Bariga Dhexe, iyo Qaaradan Africa Shaqaalahan oo laga Yaabo in Wax soo saarkoodu uu aad u hooseeyo Suurto galna ay tahay in Mid kasta oo Ka Mid ahi uu Bishii soo diro Hal war ayaa hadana lagu abaalmariyaa 1500 $ oo dollar ka Wasaaradda dhex Jooga ee afar barnaamij iyo Wararba soo saaraa Waxa uu qaataa Hal Milyan iyo Wax ka yar ku darsoo Waxaa Jira Shaqaale iyagoo Hargaysa Jooga Mushaharka Yurub qaata oo Maxay ku dhacday? Jawaab ina Qancisa looma Hayo.
Sidoo kale Waxaa Wasaaradda Warfaafinta ka dhacday ilaa hadana taagan in Agaasime Waaxeed uu ka Mushahar iyo Gunaba badan yahay Madax waaxeed Si kale aan idiin fahamsiiyo Waa anigoo idhaahda Tusaale ahaan Wasiirka Waxaa ka Mushahar badan Agaasimaha Guud,Siday Suurto gal ku tahay? Tana Jawaab ina kaafida looma hayo. Aan ku soo noqdo Waxay Gudidii soo saareen Warbixin Tifaftiran oo dhaqangalkeedu noqonayay inuu Wasiirku Saxeexo,Hasa yeeshee Waxaa timid in Wasiir Cukuse Wasaaradii laga Bedelo,Dharaartii Xilwareejinta Caddaani oo ku astaysnayd 23 bishii February 2016 Wuxuu Cukuse Sheegay in Go’aamadii Gudidaasi soo saareen oo ay Hogaaminaysay Wasiir ku Xigeenka Warfaafintu Xubnana ay ka ahaayeen Agaasimaha Guud,Maareeyaha Telefishanka,Iyo qaar ka Mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradu ay isu bedeshay inuu Taladdaasi Fulinteeda uga tago Wasiirka Cusub Mr Caddaani .
Wasiir Caddaani Wuxuu Marar kala Duwan balanqaaday inaanu u dulqaadan Karin Duudsiga iyo Xaqdarada Taala Wasaaradda uu Hogaaminteeda hayo, Wuxuu Sheegay in Mudada uu Wasaaradan Joogo uu si Caddaalad ah uga Xaqsoori doono Shaqaalihiisa Waxaa Kale oo La yaab iyo u qaadan waa’a ku noqotay Hawlwadeeno Wasaaradda Joogay Sadex Sanno iyo Wax ka Badan oo aan qaatan Wax Mushahar iyo Guno toona isagoo Qiiraysan,Indhihiisana ay Ilmo ku soo taagan tahay ayuu ku Tiraabay “ Waar Miyaydaan is lahayn dhulku wuu idin la Go’i doonaa,Waa Maxay Dulmiga intaas le’egi,Siday Sidaasi ku dhacday,arrintan Wax baan ka qabanayaa”
Ku sii tiigaali Mayno Qaddiyadan Waxaa Wasiir Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani looga fadhiyaa Sida uu Lix Biloodka danbe ee Sannadkan u qaabeeyo Sixitaanka Caddaalad darada Is biirsatay ee Ka dhalatay Manfaca ay Shaqaaluhu qaataan, Wasiirka Waxaan ku Boorin lahaa inuu intii isku Shaqo ah Wax isku Mid ah siiyo,Sidoo kalena uu Isku Sar Jaro Gunooyinka Agaasime Waaxeedyada iyo Madax Qaybeedyada,Hadii uu taas ka dhabeeyo Wuxuu Wasaaraddan ka Tegi doonaa isagoo Dhaxal Wanaagsan uga Tegay Dalkiisa iyo Dadkiisa Maadaama Xilku Meerto yahay oo Mas’uul kastaa aanu haysan Damaanad qaad ah inuu Wasaaraddan Joogayo Weligii.
Wasiir Caddaani Munaasibadii uu Xilka kula wareegayay Wuxuu ku Sheegay in Wax ka yar Sadex Bilood oo uu hayay Wasiirka Duulista iyo Hawada uu dib u habayn ku sameeyay Shaqaalihii Wasaaradaas,Sidoo kale wuxuu leeyahay Waayo aragnimo uu ka soo Kasbaday Wasaaradda Maaliyadda Mudadii uu ka ahaa Wasiirul dawlaha,Sidaa awgeed Waxay Shaqaalaha Warfaafinta oo aan ka Badnayn kuwa Duulista Hawada Sida uu Sheegay Waxaa looga baahan yahay inuu Xuquuqdooda u soo dhiciyo hadii aanu ka dhacsan.
Waxaan ku soo Afmeerayaa Duudsigaa Shaqaalaha ku dhacay,Diifta iyo Baanta ama kii Damqaayaad Noqon ama Dabiibkeeda.
Ilaahoow Aqoon darana ha nagu cadaabin,Eexna ha nagaga tegin
Waa Qallinkii Maxamed Xasan Faarax
Hargeysa, Somaliland
Guul iyo Gobannimo