Somaliland: Garaad Saleebaan Buraalle Oo Hadlay Xiisad Nin Ku Dhintay Mid Kalena Ku Dhaawacmay Oo Ka Taagan Buuhoodle

0
823

Magaalada Buuhoodle ayaa la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, xiisadaasi oo la xidhiidha ismaan dhaaf ka dhashay ka ganacsiga iyo gacan ku haynta Jaadka loo yaqaano Miirooga oo deegaanka ka soo gala dhinaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Hal qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay iska hor imaad hubaysan oo gudaha magaalada Buuhoodle ku dhex maray laba kooxood oo kala taageerayay ganacsatada Jaadka ee ismaan dhaafku dhex maray, waxaana la sheegay in ay labada dhinacba isu hub iyo ciidan urursanayaan.

Garaad Saleebaan Buraalle oo ka mid ah madaxdhaqameedka deegaankaasi oo wargeyska DAWAN khadka telefoonka kula xidhiidhay isaga oo jooga magaalada Buuhoodle ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka xiisadan colaadeed ee ka taagan deegaanka, waxaanu sheegay in haatan ay degan tahay xaallada Magaalada Buuhoodle.

Garaad Saleebaan Buraale isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ”Xaaladda guud ee magaaladu way xasiloon tahay, dhibka dhacayna waa hal nin oo dhintay iyo hal nin oo dhaawac ah, runtiina xiisadii way kacday labada dhinacba, ciidamadoodiina midba meeshiisa ayuu degan yahay, mana aha wax ugub ah ee waa wax dhici jiray, annaguna haddii aanu nahay madax dhaqameedka gobolka oo aanu hadda ku joogno saddex garaad, waxaanu u qabanay xaaladaa dejinteeda guddi ka kooban 21  qof, oo afar ka mid ahi yihiin culimo si ay u soo lafo guraan una sugaan khasaaraha dhacay iyo ciddii lahayd, ka dibna soo ururiya xal labada dhinac ay ku kala bogsadaan annaguna aanu u noqono marjac yeesha gudoominta go’aanka ay soo saaraan.”

Garaadku waxa uu intaa ku daray ”Annaga waa nalooga faro dhuudhuuban yahay caleenta qaadka iyo ka garnaqeeda, waana ka sababay dhacdadan welina ma dawaysmin ee waa la isku hayaa qaadka laftiisii, sidoo kale labada dhinac mid ahaan ayaa nagu madax adkaaday ilaahayna sidii looga bartay waxaanu rajeynaynaa inaanu ku guulaysano xaaladana inteedii badnayd gacanta ayaanu ku haynaa.”

“Arrintani maaha wax xidhiidh la leh siyaasad, laakiin nimankaa caleenta nacfiga ka hela ee dhalinyarada ah ayaa iskaga hor yimid, sababtuna waa wax ku timi nacfi kala riixasho, markii horena waxay ahaayeen koox caleenta ka shaqaysta oo dadka iska xiga, mana jiro wax maamulka Cali Khaliif sheegtaa uu door ku leeyahay, koley hadda intaanu ognahay, amniga laf ahaantiisa ayaan ahayn mid la isku halleyn karo waana muhiim in qof kastaa oo door ka qaadan karaa uu isu xilqaamo, haddii ay tahay ganacsatada, culimo-awdiinka iyo qurbajoogta oo deegaankan ku leh awood ay kaga qayb qaataan deminta xiisaddan, sida ilaahay looga barteyna waxaanu ku rajo weynahay inaanu nabad walaalaysa oo maslaxadeed oo ay ku kala bogsadaan dhinac kastaa labada maalmood ee inagu soo aaddan aanu u  gudoomino ka madax dhaqameed ahaan,” ayuu yidhi Garaad Saleebaan Buraalle.