Somaliland: “Yuusuf Garaad Oo Aanu Facebook Isku Aragnay Waxa Uu Ii Soo Qoray Wada Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Ayaanu Jimicsi Maskaxeed Ku Samaynaynaa” Boobe Yuusuf.

0
757

Boobe Yusuf Ducaale Oo Sheegay Inay Xukumaddu Ku Fashilantay Siyaasada Arimaha Dibadda Uguna Baaqay Inay Joojiso Wada Hadalada Ay La Furayso Dawlada Somaliya

Siyaasi Boobe Yusuf Ducaale oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa waxa uu dhaliilo xoogan usoo jeediyay xukumadda Somaliland, isaga oo sheegay inay ku fashilantay siyaasadda arimaha dibada.

Dhanka kalena Boobe Yusuf Ducaale waxa uu xukumadda ugu baaqay inay joojiso wada hadalada ay la furayso dawlada somaliya taasi oo uu sheegay inay wax u dhimayso qaranimada Somaliland.