Somaliland: War Deg Deg Ah Gudoomiye Faysal Oo Goordhawayd Ka Jawaabay Hadalo Maanta Kasoo Yeedhay Musharax Jamaal Cali Xuseen Iyo Xoghayaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID

0
815

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo khadka telefoonka ugu waramay telefishanka Universal ayaa waxaa uu ka jawaabay hadalo maanta  ka soo yeedhay xoghayha golaha dhexe ee  xisbigasi Xassan Sabca kaas oo ugu hanjabey in uu fashilin doono hadal sir ah oo ka hayo gudoomiyaha xisbiga UCID .

Waxaana uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inaanu  waxba ka jirin wararkaa uu sheegay ee ah inuu warar sir ah ka hayo gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

“waxaasi wax aan ka jawaabo ma aha in nin weyni warbaahinta la soo hor fadhiistana ma aha anigu wax gaar ah oo aanu Sabca aanu isku ognahay ma jirto Sabca sida golaha dhexe loo doortey ayaa loo doortey sida aan xoghayayaasha kale aan u magacaabo ayaan u magacaabey anaa awooda siiyey oo magacaabey  aniga  ayaana xilka ka qaadi kara oo sharcigu awood ii siiyey hadana falalkii uu ku kacay ayey gudida anshaxu baadheysaa talaabana  waa laga gaadhayaa ” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe .

Sidoo kale Gudoomiye Faysal Cali waraabe ayaa waxaa uu ka jawaabay  hadalo maanta ka soo yeedhay musharax Jamaal Cali Xussen waxaana uu mar kale gudoomiye Faysal ku celiyay inaanu Jamaal Cali Xuseen ahayn mushaxa jagada madaxwayne ee xisbiga UCID waxaana uu yidhi.

“Horta waan ka xumahay in aad Jamaal aad musharax ku sheegto  xisbiga UCID musharax ma laha musharaxna ma aha Jamaal insha alleh xisbigu uu sameyn doona musharax  , go,aan aan soo saaro musharax beenin karaa ma jiro  waa nin u waashey  musharaxnimo lakiin musharaxnimada aflagaaado laguma helo tartan iyo akhlaaq baa lagu helaa markaas waxba u jawaabi maayo anigu” ayuu hadalkiisii ku soo koobay Faysal Cali Waraabe .