Somaliland: Laba Qodob Oo Lagu Soo Gunaanaday Xiisadii Ka Taagnayd Banka Qoolcaday

0
993

Xukuumadda Somaliland iyo dadka deegaanka Banka Qoolcaday, ayaa heshiis ka gaadhay xiisadii dhawaan ka taagnayd Banka Qoolcaday ee la xidhiidhay seeraha banka.

 

Qoraal uu shalay soo saaray wasiirka xanaanada xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir, oo uu ku socodsiiyay dhinacyada ay khusayso, wuxuu ku sheegay in dadka iyo xukuumadu isla garteen laba qodob oo nuxur ahaan ah in hadda riigga biyaha qodaya aan laga horimanin, wixii dambe ee hawl ahna ay xukuumadda iyo dadku ka wada hadlaan. Qoraalka Wasiir Cukuse, ayaa u dhignaa sidan  “Ka dib markii isku dhac ka yimid bilawga mashruuca seeraha qoolcaday waxa ay xukuumadda iyo dadka deegaanka banku isku raaceen oo uu  wasiirka xanaanada xoolaha  Cabdillaahi Maxamed Daahir balan qaaday dadkuna ku qancay:

1. In imika riigga banka laga qodo oo aan laga horimanin

2. In wixii dambe ee hawl ah ee banka laga qabanayo ay xukuumadda iyo dadka deegaanku ka wada hadlaan xoogna aan lagu muquunin.”