Somaliland: Hirdanka Isgaadhsiinta Badda, Kootaynta Siilaanyo, Imaatinka Markabka, Sababaha Galaaftay Wasiir Abgaal Iyo Taliye Xiirane

0
823

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay xilkii ka qaaday Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed jaamac Abgaal iyo Taliyihii Ciidanka Badda, Sareeya Guuto Maxamed Xuseen Faarax, isla markaana wuxuu Madaxweynuhu ku amray inay xilka si degdeg ah ugu wareejiyaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda Boosaha iyo taliye ku xigeenka Ciidanka Badda.

Madaxweynuhu xil ka qaadista Wasiirka Boosaha wuxuu ku sababeeyay oo uu yidhi; “Markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyay, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo”.

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku sababeeyay xil ka qaadista Taliyaha Ciidanka Badda amar diido la mid ah taa uu ku sababeeyay xil ka qaadista wasiirka, waxaanuu yidhi; “Markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo”.

Inkastoo Madaxweyne Siilaanyo xil ka qaadista labadan masuul ku sababeeyay fulin la’aan awaamiir uu siiyay, haddana laguma sheegin war saxaafadeedka madaxtooyadu soo saartay amaradda ay fulin waayeen. Hase yeeshee siday sheegeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka helay illo lagu kalsoon yahay uu u dhuun dalloola dhacdadan, waxa xil ka qaadista labadan masuul loo sibir saaray Markab sahamin la xidhiidha isgaadhsiinta xadhkaha  Fiber Optigga ee badda hoosteeda mara u yimi dekedda Berbera, kaasoo la sheegay in ogolaanshihiisa laysku maandhaafay. Xoggahaasi waxay intaa ku dareen, in markabkaasi ogolaansho ku yimi Berbera, isla markaana uu ahaa nooca xambaara xadhkaha kaybalka badda haatana uu dhamaystay hawshiisii. Xogguhu waxay intaa ku ladheen in Wasiirka xilka laga qaaday u ogolaaday shirkado waddani ah  hawsha markabkani u yimi, kadib markuu siday xoguhu tusmeeyeen garyaqaanka guud u xaqiijiyay sharciyan xaqnimadda ogolaanshaha, kaasoo laftiisa warar soo duulay oo aan la xaqiijini ay tibaaxeen inuu isu casilay sababo la xidhiidha doorkuu ku lahaa. Wararku waxay intaa ku dareen  in xukuumaddu dhexdeeda isku qabatay arrinkaa, kadib markii shirkadda SomCable ee ganacsade Ina Aw Siciid ay kaambayn markabkaa ka dhan ah la gashay xarunta Madaxtooyadda,iyagoo ku doodday in tani jebinayso kootadii isgaadhsiinta kaybalka ee hore madaxtooyadu ugu xidhay Somcable. Dhanka kalena Jabuuti oo leh  kaybalka Somcable ayaa la tilmaamay inay qayb ka tahay cadaadiska Somaliland saaran ee ku saabsan kootada isgaadhsiinta Fiber Optigga loogu xidhay Ina Aw Siciid. Inkastoo Somaliland xeer ahaan dastuurkeedu dhigayo suuq xor ah oo kootada ka caagan, haddana kootaddan siyaasadeed ee isgaadhsiinta badda ayaa meesha ka saaraysa  taa. Warar dheeraad ah iyo faaqidaad amuurtan la xidhiidha kala soco Ogaal cadadyada dambe.