Somaliland: “Faysal Cali Waraabe Waxaa Uu Ku Dhimanayaa waa Fudud Kulul”..Xoghayha Guud ee Xisbiga UCID Mr. Sabca

0
1172

Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Xassan Cismaan Sabca ayaa waxaa uu ka hadley  xil ka qaadis oo habeenkii xalay ahaa uu sheegay in gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku sameeyey

Mr.Sabca ayaa waxaa uu sheegay in uu Faysal Cali Waraabe uu xisbigii UCID uu ka dhigtay shandad uu kolba meel u qaato taasina aanay aheyn mid ay ka aqbali doonan  waxaana uu gudoomiye Faysal Cali waraabe ugu baaqay  in uu xilka iska casilo inta ka horeysa shir weynaha xisbigaasi oo loogu talo galay in xilka lagaga qaado waxaana uu yidhi

“Faysal in badan  baa waxan lagugu samraayey ee waxaad ku dhimanaysaa waa fudud kulul , labadeenuna weynu is ognahay oo wakhtigaas wakhtigiisii waxeynu isku ogeyn hadii aad ka soo jawaabi weydo waan sheegayaa halkaad ka galayso bulshada markaas adiga ayaa yaqanaa .

Faysal  dib loogu dul  qaadan maayo in uu shandad uu isagu leeyahay ka dhigto xisbigii ,waligay kamaan hadlin horena ugumaan jawaabin isaga oo i eedeynaya lakiin  maanta waxii ka danbeeya  dib loogu dul qaadan maayo faysal waxa uu yahayna umadu wey ogaan doonta ,shirkii golaha dhexe sidiisii ayuu u  qabsoomayaa waxii aad eed gasheyna waa ay kuu yaalan waxaa kuu wanaagsan maanta inta lagaaga xayuubin lahaa gole dhexdii in aad iska casisho oo dib luguugu tudhi maayo ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay xoghayha golaha  dhexe ee xisbiga UCID Xassan Cismaan Sabca .