Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ka Xayirtay Maayarka Caasimadda dhul dad leeyihiin oo uu si sharci darro ah u siinayey Gabadh Wariye ah

0
875

Maayarka oo xidhay ninkii dhulka lahaa oo ka mid ah saraakiisha Dawladda Hoose markii Maxkamaddu Xayiraada soo saartay

Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Soltelco ka xayirtay Dhul uu leeyahay sarkaal ka tirsan Dawladda Hoose ee Hargeysa oo la yidhaa Aadan Cabdi Xarriir ( Aadan Digir), kaasoo uu Maayarku maaanta ku xidhay xafiiskiisa kadib markii uu ka cadhooday Dacwadda uu Maxkamadda geeyey ee loogu Xayiray dhulkiisa uu doonayey in uu siiyo gabadh la sheegay inay tahay Wariye.

Amarka Xayiraada ah ee Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo uu soo saaray Garsoore Khaalid Cabdi Shiil ayaa u dhignaa “ Maxkamadda Gobolka M/jeex waxay Xayirtay dhulka cabirkiisu yahay 3x(24x18mt) ee ku yaala maqaaxida Inanta. Waxa la Amrayaa Taliyaha saldhiga Booliiska Ibraahim Koodbuur laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 31/03/2016, in dhulkaas Maxkamaddu Xayirtay la iibin Karin, la rahmi Karin, la dhisi Karin, sifo kale oo sharci daro ah loo isticmaali Karin illaa inta amar danbe ka soo baxayo maxkamadda cidii ku xad gudub tana soo xidhaan kuna soo eedeeyaan qoddobka 308XCG).

Maayar Soltelco iyo xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa ayaa markii ay dhameeyeen ama Cuneen dhulkii Danta Guud ahaa waxay usoo dhigteen inay Boobaan dhulkii dadku lahaa sida ku cad dhulka la Xayirayna waxa uu boobkoodii gaadhay inta u dhaxaysa Maqaaxida Inanta illaa Abaarso oo ah dhul ita badan ay eegtaan marka ay dadka lihi ka maqan yihiin.

Aadan Cabdi Xarriir (Aadan Digir) oo ka war helay dhulkiisii in la siinayo gabadh Wariye ah oo ka shaqaysa Telefishanka qaranka ayaa markii uu ka war helay u dacwooday Maxkamadda, taasoo soo saartay Amarka Xayiraada ah, hase yeeshee markii uu Maayarku ka war helay Amarkan waxa uu miciinsaday in uu ku xidho saldhiga ku yaala xafiiskiisa si uu u cabsi galiyo.

Dhacdadani ma aha mid Ugub ah ama tii ugu horaysay hase yeeshee waxa ku dhacan falalka caynkan oo kale ah dad masaaskiin ah oo aan Dacwoon garanayn ama aan Ogaynba goor dhulkoodii Maayarka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanku u samaysteen Faylal kale oo ay ku dhacayaan Hantida Ummadda ee ay iyagu marka hore qorsheeyeen isla markaana saxeexeen faylasha ay dadku ku Mulkiyeen.

Dhulkii Danta Guud ahaa ayaa gabi ahaanba la boobay mana jirto Buqcad yar oo dadweynaha u hadhay oo looga dhiso Cisbitaal, Dugsi ama Garoon ay danahooda caamka ah ku qabsadaan, waxaana Danbiga intaa lee gee halista ah Ummadda ka galay Dadkii ay soo doorteen oo uu ugu horeeyo Maayar Soltelco.