Loolanka UCID: Mujaahid Cali Guray Oo Ka Jawaabay Xil Ka Qaadista Uu Ku Sameeyey Faysal Cali Waraabe, Kuna Eedeeyey In Loo Soo Adeegsaday Burburka Xisbiga UCID

0
1012

Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID mujaahid Cali Guray ayaa ka jawaabay xilka qaadisitii uu shalay ku sameeyey gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaana uu Cali Guray sheegay in shirwayne golle dhexe lagu doortay xilkana lagaga qaadi karo balse aanu gudoomiye Faysal awood u lahayd inuu xil ka qaado.

Waxaana uu mujaahid Cali Guray ku eedeeyey gudoomiye Faysal in loo soo adeegsanayo burburka xisbiga UCID isaga oo sheegay inuu dhawaan fashilin doono siro badan oo uu ka hayo.

Mujaahid Cali Guray ayaa arimahana ku sheegay qoraal uu xalay soo dhigay barta uu ku leeyahay baraha ay bulshadu ku kulanto, waxaana qoraalkaasina u dhignaa sida tan.

“Arinta UCID maaha arin shakhsi iyo wax xalku noqon karo xil magacaabis iyo xil ka qaadis. Qandaraaska la soo siiyay waa burburinta UCID waaana halkii laga soo maleegay shirqoolkii la isku deyay in lagu burburiyo Saldanadda Subeer Awal. UCID iyo Suldanada guri keliya ayaa lagaga soo duulay waanu fashilinayaa hadii Alleh yidhaa sidii uu u fashilay shirqoolkii Saldanadda Subayr Awal. Markaa Faysal waa la isticmaalayaa xaaladda uu ku sugan yahay ee caafimaadna way kaga faaiidaysanayaan. Markaa anigu xal uma arko in lala tirsado balse waxan u arkaa in sharciga la adeegsado.”

“Aniga hadii uu jiroba xil uu ii magacaabay wuu iga qaadi karaa raalina waan ku ahay laakiin waxan cadaynayaa in aanu jirin haba yaraato eh xil uu gudoomiyuhu ii magacaabay oo aan u hayo Xisbiga UCID. Xilka aan u hayo xisbiga waxa la iigu doortay Kalfhadhigii 5aad ee Golaha Dhexe oo cod buuxa ku ansixiyay sida ku cad go’aamadii ka soo baxay Kalfadhigaasi isaguna xaq uma laha inu iga qaadi karo hadiise uu ka ansixiyo Golaha Dhexe waa sax waanan u hogaasami doonaa.”

Ugu dambaystii Faysal xalka dhibaatada UCID qayb kama noqon karo waayo isaga ayaaba dhibaatada lafteeda ah dhibaato kale oo UCID haysta oon isaga ahaynina ma jirto. Markaa dagaalka siyaasiga ah ee UCID waa ” winner takes all” waa in UCID la waayo iyo in Faysal la waayo wax ka dhexeeya oo kale anigu ma garanayo. Markaa aan sugno dhamaadka.”

“Hadii ay ta xunba noqoto oo UCID la waayo anigu waxaan noqon doonaa qofka ugu khasaaraha yar waayo dan shakhsi ah oon waayayaa ma jirto balse waxan la qaybsan doona khasaaraha UCID intii xisbiga ah oo dhan. Kuwii iiga badsaday UCID hawlihiisa ee 14ka sanadood ku xoog iyo xiniinyo beelayna waan ka tacsiyayn doonaa. Kolkaa xil waxba ma sheegayo eh waxan bahwaynta UCID ugu baaqayaa inay u midoobaan badbaadinta xisbigooda qaaliga ah si ay u gaadhi karaan higsigoodii UCIDna ugu simaan in uu noqdo xisbul xaakim”Sidaas ayuu u dhignaa qoraalka uu ku baahiyay mujaahid Cali Guray baraha ay bulshadu ku kulantto

Si kasteba ha ahaatee khilaafka ka dhex istaadhmay masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa meel xasaasiya maraya isaga oo uu maalintii shalay ahayd gudoomiye Faysal Cali Waraabe xilalka ka qaaday gudoomiye ku xigeenkii sadddexaad ee xisbiga UCID mujaahid Cali Guray iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan xisbiga oo iyaguna xilal ka hayay xisbiga, waxaana ilaa hadda aan la garanayn halka uu saldhigan doono khilaafka UCID.